Nolosha Jilayaasha WARARKA MAANTA

Aktarka Shahid Kapoor Oo Shaaciyay Inuusan Marna Ku Firin In Lagu Casuumi Doona Arooska Jaceylkiisa Hore Kareena Kapoor

aktarka Shahid Kapoor ayaa maalmahan waxa uu ku mashquulsan yahay xayeesiin u samaynta filimkiisa Kabir Singh kaaso dhawaan la daawan doono waxaana ku wehlisa atariishada Kiara Advani

aktarkan ayaa waxa uu ka qayb-galay showga ay daadihiso atariishada Neha Dhupia si uu xayeesiin ugu samaysto filimkiisa waxaana Shahid Kapoor show-gaas uu kaga hadlay arrimo badan oo isaga sir u ahayd

Shahid Kapoor ayaa waxa wax laga weydiiyay xariirka isaga iyo atariishada Kareena Kapoor kaaso mid ah xariiradii ugu caansanaa ee soo maray Bollywoodka waxaana Shahid Kapoor la weydiiyay

sida uu ahaa xariirka isaga iyo Kareena Kapoor markii uu bur-buray xariirkooda jaceylka iyo in Kareena ay isaga ku casuumay arooskeeda iyada iyo Aktarka Saif Ali Khan sanadkii 2012

Shahid Kapoor aya shaaca ka qaaday ka dib markii ay kala harayn isaga iyo Kareena inuu go’aan ku gaaray inuusan mar dambe la kulmin iyada laakiin aktarkan ayaa shaaca ka qaaday inuusan weligiisa ku fikirin in Kareena Kapoor isaga ay ku casuumto arooskayda

isagoo arrintaas ka hadlaya ayaa waxa uu yiri ” aniga hadda ma xasuusan karo dhacdooyinkaas maadaama ay kasoo wareegatay muddo badan laakiin aniga weligayga kuma fakirin inay iyada ( Kareena Kapoor ) igu casuumi doonto arooskayda ”

hadda Kareena Kapoor iyo Shahid Kapoor wax ay leeyihiin qoys iyadoo Kareena Kapoor uu guursaday aktarka lagu magacaabo Saif Ali Khan waxaana u jooga wiil lagu magacaabo Taimur halka Shahid Kapoor isagana ay u dhaxdo gabadha lagu magacaabo Mira Rajput taaso u dhashay labo caruur wiil iyo gabar iyagoo is-guursadayn sanadkii 2016

Related posts

8 Atirisho Ee Bollywoodka Katirsan Kuwaaso Salman Khan Ku Sigtay Inuu Guursado

Ali Aadan

Ma Runbaa In Alia Bhatt Tiri Kareena Lama Tartami Karo Waligey Xataa Iskuma Dayin Cadeenta Halkaan Ka Ogow!!

Ali Aadan

Qaabkee ayey gabadhaani 70 kun oo dollars ugu heshay inay cagaheeda soo dhigtay barta Instagram (Akhriso sheeko yaab badan)?

Jabriil Abdikadir

Wax ka ogoow taxanaha turkiga gilgilay ee Hercai xiliga uu dhamaan doono qeybtiisa koowaad iyo hadii uu leeyahay qeyb labaad.

Cabdiraxmaan Anteeno

SRK, Salman, Aamir Iyo Super Stars Caan Ah Oo Waayeen Abaal Marinta National Film Awards (+Sawiro)

Ali Aadan

Jilayaasha Bollywoodka Ee Daroogada (Drugs) Ama Maandoriye Isticmaalen Nolosha Dhabta Ah Balse Noloshooda Bur Burisay Qeybti 2aad!!

Ali Aadan