Aktarka Vicky Kaushal oo aqbalay sameynta mashruuc ay iska diidayn aktarada Shah Rukh Khan iyo Amir Khan

Dhawaan waxaa idinla wadaagnay warbixin ah Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan inuu isaga baxay filimka Saare Jahaan Se Accha ee looga hadlaayo nolosha cirbixiyeenkii ugu horeeyay ee Hindi ah kaasi oo dayaxa sare gaaro laguna magacaabo Rakesh Sharma

iyadoo saaxafada ay midaas ku Sababaynaysay in SRK sameynta filimka Saare Jahaan Se Accha isaga dhaafay ayaa lagu sheegay in mashruucan Biopic yahay ama qof noloshiisa looga hadlaayo uuna laheyn mada daalo dhameestiran sida Action iyo muusig wacan wuxuuna ka doortay bilaabada taxanaha caanka ah Don 3 oo uu dhawaan SRK ka hawl gali doono

Laakiin hadda waxaa soo baxay war ay soo daabacday majalada Bollywood Hungama iyadoo shaacisay in aktarka Vicky Kaushal inuu saxiixday filimkan ka dib markii soo saarah filimkan ninka lagu magacaabo Anjum Rajabali  uu xaqiijiyay inuu shah rukh khan isaga baxay samaynta filimkan sidoo kalena ay ku guul-daraystayn inay la saxiixdaan aktarka Amir Khan

hadda waxaa mashruucan gacanta ku dhigay aktarka Vicky Kaushal kaaso hore u saxiixday aflaamo waa weyn sida filimka Takht kaaso ah filim laysugu keenay aktaro waa wey halka uu Director ka yahay Karan Johar

Vicky Kaushal ayaa sanadkan waxa uu dadka kaga yaabsaday bandhiga Vicky Kaushal kaaso duubistiisa filimkan bilaabi doono bisha June ee soo socota sidoo Vicky Kaushal ayaa waxa uu duubis ku wadaa filimka aan magaca loo bixin ee cabsida iyo shactirada ah kaaso ay isla wadaan atariishada Bhumi Badnekar