Alia Bhatt Farxad Uma Dhina Marba Hadee Khan-kii Labaad Ay Shaashaada La Wadaageyso Waa Atiriisho Xawaaraheeda Aan Loo Dhowaan Karin!!

Xidigta hader Bollywoodka hogaanka u heysa Alia Bhatt dar dar xoogan ayee kusocotaa sanadadan dambe iyadoo cagta marisay awood ahaan dhamaan atiriishooyinka fanka kaga horeyeen iyo kuwii ay la xifaaltameysay maadama guusheeda joogto noqotay.

Alia Bhatt waliged ayee ku riyoon jirtay inee shaashada la wadaagot Super Star-da caanka ah sida Khans-ka maantana midaas wey muuqata kaliya Aamir Khan ayaa u harsan hder maadama 2-da Khans-kale la shaqeyneyso aan idin xasuusino Shah Rukh Khan waxay la sameesyay mashruuca Dear Zindagi.

Halka Salman Khan ay la saxiixatay filmka Inshallah kaaso 2020 la daawan doono waxay tiri Alia mar wax laga weydiyay la shaqeynta Sallu,”farxad iima dhina waa riyo ii rumowday Inaan mudane Salman Khan shaashada la wadaago anigoo yar ayaan daawan jiray maantana filmkiis ayaan atiriisho ka noqonayaa.”

Aamir Khan ayaa dhiman xidigtan inee la shaqeyso kaliya inkastoo Raggan da’ahaan dhali karaan gabadhaan hadana dadaalkeeda iyo nasiibkeeda ayee fursadaha ku heleysaa oo Filmsameyaasha dhamaan  maanta Alia Bhatt ayee doon-doonayaan.

Mashaariicda Alia Bhatt la imaan doonto kuwaaso ay Bollywoodka ku gil gili doonto sanadaha soo socda waxaa kamid ah Kalank, Takht, Inshallah, Brahmastra, RRR iyo kuwa kale oo ah aflaam waaweyn Super Stars caan ahna shaashada kala soo muuqan doonto..

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…