Alia Bhatt ” Filimka Takht Kaliya Magaciisa Ayan Ka Helay Ee Lama Socda Sheekadiisa”

Alia Bhatt waa mid kamid ah dhalinta Bollywoodka katirsan kuwooda ugu guulaha badan, xidigtaan ayaa sameysay aflaam badan oo ay amaan lixaad leh kuheshay.

Xidigtaan soo sara kacday sanadadan dambe sido kalena wacdaro weyn dhigtay sanadkii 2016 ayadoo latimid aflaam heer saro ah, kuna qabsatay Bollywoodka awood buuxda maadama ay ku guuleysatay abaal marinta atariishada ugu fiican sanadka taaso ay bixiso Shirkada Filimfare

alia bhatt ayaa waxa ay dhawaan saxiixatay filimka weyn uu soo saaraha ka yahay karan johar kaaso ah shaqsiga iyada soo caan bixiyay laakiin alia bhatt ayaa waxa ay maanta si weyn ugu yaabsatay saxaafada mar wax laga weydiiyay warbixin doorkeeda filimkaas

alia bhatt ayaa sheegtay sababta kaliya ay filimkaas ku saxiixatay ay tahay inay ka heshay magaca filimkaas iyadoo u aragta inuu yahay filim fiican alia bhatt ayaa samaynta filimkan  waxa ay aqbashay xilli ay ku sugnayd dalka Bulgaria

iyadoo halkaas ku duubaysay filimka brahmastara sidoo kale alia bhatt ayaa sheegtay inay soo jiidatay aktarada filimkaas ku midoobayn sida ranveer singh anil kapoor kareena kapoor iyo aktaro kale oo badan waxaana soo saare ka ah ninka iyada soo caan bixiyay ninka lagu magacaabo karan johar