Alia Bhatt Hooyaded Oo U Dulqaadan Weysay Weerarka Kangana Iyo Walaashed Jawaab Kululna Siisay “Kangana Abaal Maleh Ma Waxay Ilaawday Inaa Soo Caanbixinay Oo Bollywoodka Keennay”

Dagaal qasan oo duqeyn afka ah ayaa ka dhex shidan reer Bhatt iyo reer Ranaut sheekadan waxay ka dhex bilaawatay Kangana Ranaut iyo Alia Bhatt xili Ranaut si toos ah u weerartay Alia.

Ilaa hada Alia Bhatt jawaab xanaaq ka muuqdo lagama haayo xitaa hadal jilcasan oo qadarin ka muuqdo ayee siisaa Kangana Ranaut markii ay saxaafada u jawaabeyso hadaba weerarada tooska ah ay wadaan Kangana Ranaut iyo walaashd Rangoli waxaa u dulqaadan weysay Alia hooyaded Soni Razdan.

Sidaan horey idiin kula wadaagnayba Kangana iyo walaashed ayaa weerar ku qaadeen Alia Bhatt iyo qoyskeda intaasna wey isaga aamusnaayen balse hader Soni ayaa usoo jawaab celisay gabdhahan walaalaha ah waxayna tiri.

“Kangana iyo walaasheda xishood maleh miyaa maxaa daba dhigay qoyska Bhatt qaasatan gabadheyda Alia Bhatt qofka guushiisa miyaa ka maseeyreysaan maxaa gabadhaan idinka yar ka rabtaan ilaa hada hadal xun xitaa idinma dhahdo wey aamusantahay idinkana xishood dari maalin walba ayaad magaceeda hadal heysaan.”

“Mahesh Bhatt waa ninka Kangana Ranaut soo caan bixiyay Bollywoodkana keenay taas miyaad ilaawdeen maantana gabadhiisa ayaad daba taagan tihiin xitaa maku xushmeysay abaalkii uu kuu galay Kangana iyo sida uu kuusoo caan bixiyay maantana gabadhiisa ayaad daba taagantahay.”

Akhriste Kangana filmkeeda ugu horeyay ee Bollywood ah waxuu ahaa Gangster oo 2006 la daawaday waxaana qarash gareeye ka ahaa Mahesh Bhatt halka uu Director ka aha Anurag Basu aan aragno Ranaut hadalkaan waxay ka dhahdo.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*