Alia Bhatt Jaceylkeeda Waa Waali, Varun Dhawan Oo Akteeda Jooga Ayee Magaca “Ranbir Kapoor” Ugu Yeertay Dadkii Goobta Joogeen Iyo Saxaafada Yaab Ayaa Kasoo Haray (+Video)

 

Varun Dhawan Iyo Alia Bhatt mashquulkooda ayaa badan maalmahan saxaafada hindiya iyo wargeysada wax ka qoraan Bollywoodka iyaga ayaa heestaan waana sababta Filimside maalmahan wararkoda u qabsadeen.

Waxaana ugu wacan inee suuq geyn iyo xayeysiin u sameeynayaan Filmkooda Kalank ee la daawan doono maalmo kadib hadaba caawa waxaan idiin heynaa kaftan yar waa muuqaal yar oo Alia Bhatt laga duubay xili ay wareysi ku guda jirtay xayesiina u sameyneysay Kalank.

Varun Dhawan, Alia Bhatt, Sonakshi Sinha iyo Aditya Roy Kapur ayaa halmar wareysi laga qaadayey balse Varun dhiblow waxuu bilaaway inuu dhibo Alia Bhatt dhankeeda kursiga ayuu fadhiistay kadibna timaheeda ayuu bilaaway inuu taabto isagoo dhibaayo.

Alia Bhatt oo suaalaha wareysiga dhageysaneysa dhinacna Varun ka dhibaayo ayaa jahawareertay waxayna tiri oraahdan”Ran.. maya.. Varun jooji (timaha iga jiideyso igadaa).”

Si lama filaan ah ayee magaca Ranbir Kapoor ugu dhawaaqday balse wey is barqabatay oo “Ran” kaliye ayee dhahday saxaafadii wareysaneysa ayaa xidigtaan ku foodeyeen in jaceylka Ranbir ay u qabto mid yar ahen muuqaalkana caawa Internet-ka ayuu dhex mushaaxaya.

Alia wey xishootay markii uu kasoo fakaday magaca Ranbir afkeeda halka Varun, Sonakshi iyo Aditya halmar wada qosleen iyagoo ku camirteen Alia Bhatt halkaan hoose ka daawo muuqaalka caawa shactirada noqday ee meelwalba loogu maadeysanaayo.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*