Alia Bhatt Oo Caadeysay Inay Ka Mid Tahay Reer Kapoor Ka Dib Markii Ay Sameesay Arrinkan 

alia bhatt iyo ranbir Kapoor waa labo lamaane ee abuuray hadal-haynta ugu weyn gudaha bollywoodka iyagoo maalin walba warbixinadooda ay ku qoran yihiin majalad walba iyagana waa mid ay saxaafada iyo dadka kale ay u Muujinayaan xariirkooda jaceyl

taaso oo u sabab ah in xilli walba ay isla socdaa sawirada iyo qoraalada ay labadooda soo dhigaan baraha bulshada midaaso abuurtay hadal-Heyn weyn

iyadoo dhawaan aan idinla wadaagnay warbixin ah in atariishada alia bhatt  ay mar hore xaqiijisay inay dabaal-daga ciida sanadka cusub ay la qaadan doonto jaceylkeeda ranbir kapoor iyo qoyskiisa kuwaaso joogaa  dalka mareekanka gaar ahaan caasimada ee new york

 

iyadoo atariishadan ay ka dhabeesay alia bhatt ayaa u duushay dalka mareekanka gaar ahaan caasimadiisa new york si ay farxada sanadka cusub la qaybsato ranbir kapoor iyo qoyskiisa

waxaana midaas ay cadeenaysa inuu goor dhow uu dhici doono guurka labadan lamaane madaama alia bhatt ay san-baatiyo ka diyaarsatay waalidka ranbir kapoor ee neetu singh iyo rishi kapoor

mana ahan markii ugu horeesay inay alia bhatt new york kusoo booqato waalidka ranbir kapoor iyadoo dhawr jeer u joojisay shaqadeeda si ay u waqti ula qaadato rishi kapoor iyo neetu singh

dhanka shaqada alia bhatt iyo ranbir kapoor waxa ay soo dhameeyeen duubista filimka brahmastara waxaana qayb kala ah aktarada sida amithab bachachan, mouni roy nagarjuna iyo dimple kapadia halka uu director ka yahay ninka lagu magacaabo ayan mukerji