Alia Bhatt Oo Farxada Ka Badatay Waxay Tiri,”Ranbir Kapoor Waxaa iitahay Qof ii Qaas Ah Iyo Mid Aan Jeclahay Haa Waan Ku Jeclahay”

Atiriishada caanka ah Alia Bhatt ayaa xalay afka furatay farxadiina ka tan badatay hadalo farxad iyo qiiro isku jiraan ayee masraxa ka jeedisay markii la gudoonsiinayey abaal marinta atiriishada ugu wanaagsan.

Sidaan horey idiin kula wadaagnayba xaflada Filmfare Awards 2019 ayaa xalay Mumbai lagu qabtay abaal marino badan ayaana goobta lagu bixiyay Ranbir Kapoor ayaa ku guulestay atooraha ugu wanaagsan.

Sido kale Alia Bhatt iyo Filmkeeda Raazi abaal marino ayee ku guuleesteen haddaba xidigtaan markii loo yeeray si ay koobkeeda u qaadato waxay goobta ka jeedisay hadal kooban oo farxad iyo qiiro isku dhex jirta ah si rasmi ah ayeena goobta kaga shaaciysa inee Ranbir Kapoor si xad dhaaf ah u jeceshahay.

Haa Alia Bhatt Ranbir Kapoor si weyn ayee u jeceshahay xalayna waxay sheegtay inuu nolosheeda qofka ugu weyn yahay waxay tiri iyadoo hadleysa,”Meghna (gabadha Director-da filmka ah) aniga ahaan Raazi oo dhan dartaada ayaan ku sameeynay waxaa tahay qof guusheyda u sabab ah.”

“Vicky (Vicky Kaushal atooraha filmka) adiga la’aanta ma garan karo sidaan filmkaan ku dhameeyn laheen shaqadiisa waad mahadsantahay Vicky sido kale waxaan u mahad celina macalinkega Karan (Johar) waad ku mahadsantahay inaad macalinkeyga noqotay iyo aabahey oo kale iyo waliba mid igala taliya dhanka Fashion-ka.”

“Caawa waa habeenkii farxada iyo jaceylka ma garan karo waxaan ku qayaaso farxadeyda kanina waa qofka ugu muhiimsan nolosheyda iyo mid iiqaas ah (Ranbir Kapoor) waan kujeclahay Ranbir haa si xad dhaaf ah ayaan kuu jeclahay.”

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…