Alia Bhatt Oo La Bar-Bardhigeysa Deepika Iyo Priyanka Loolan Adagna Ku Heysa Iyo Shaqada Ay Ku Ciriirineyso!!

Xiddigta hawada sarre mareyso Alia Bhatt ayaa la sheegay inee goordhow ku biiri doonto ama kamid noqon doonto shirkada ugu weyn aflaamta caalamka ee Hollywoodka sida la filaayo goordhow.

Bhatt qaab jiliinkeda iyo wax qabadkeeda dadka aflaamta caalamka daawadan ayaa wada dareemen meesha ay usocoto iyo hadafkeeda ma ahan mid yar waa atiriisho dar dar xoogan kusocoto.

Waxay xayeysiin balaaran iyo suuq geyn weyn u sameeyneysa filmkeeda Kalank ee la daawan doono 17 bishaan April 2019 ama maalmo kadib waxaana la jilayaan xidigo kale sida Varun Dhawn, Sanjay Dutt, Madhuri Dixit, Sonakshi Sinha, Aditya Roy Kapur iyo kuwa kale.

Hadaba Alia ayaa la weydiiyay hadii ay fursad hesho inee kamid noqon doonto shirkada Hollywoodka aflaamtooda wax ka sameeyn doonto waxay tiri,”haa waan jeclahay inaan Hollywoodka u shaqo doonto mardhow ha noqoto ama mar dheer mar uun waan rajeynayaa inaan halkaas aado.”

“Balse wax sahlan ma aha inaa Hollywood kamid noqoto howl badan iyo dadaal badan ayee u baahantahay ana waxaa la iga rabaa dadaalkaas iyo waqtigaas badan inan galiyo waana rajeynaa inaan Hollywood ku biiro.”

Bhatt ayaa la sheegay inee la bar bardhigeyso Priyanka Chopra iyo Deepika Padukone oo shirkadan kaga horeyeen laakiin waxaa suaal noqon doontaa miyee kaga saameeyn badnaan doontaa Priyanka iyo Deepika hadii Alia Hollywoodka gasho shirkadaas miyee kaga saameeyn badnaan doonta mise iyada ayaa meel cidlo looga tagi doonaa.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*