Alia Bhatt Oo Style Qurux Badan Kusoo Gaba-Gabeysa Suuq Geynta Filmkeeda Kalank (+Sawiro)

Atiriishada caanka ah Alia Bhatt ugu dambeyn maanta waxaa tiyaatarada loo saaray filmkeeda xiisaha leh ee sida weyn loo wada sugaayey Kalank oo ah mashruuc  taariikhi ah.

Kalank waxaa Alia Bhatt la jilayaan Varun Dhawan, Aditya Roy Kapur, Sonakshi Sinha, Sanja Dutt iyo Madhuri Dixit maanta ayaana tiyaatarada si rasmi ah loo saaray isagoo si heer sarre ah ku furmay.

Hadaba Alia Bhatt ayaa laga soo bandhigay sawiro xiiso leh xiliyo kala duwan laga qabtay intii ay xayesiinta filmkaan ama suuq geyntiisa ay ku guda jirtay kuwa Fashion-ka falanqeyaan waxay ku tilmaameen sawiro xiiso leh.

Marka laga soo tago Kalank oo maanta tiyaatarada loo saaray xidigtaan waxay kaloo saxiixatay mashaariic waaweyn sida Filmk Inshallah oo Salman Khan la jilaayo ciida fitriga 2020-kana la daawan doono .

Waxay kaloo qeyb ka tahay filmka RRR ee Director SS Rajamouli iska leeyahay waxaana la jilayaan xidigo waaweyn sida Ram Charan, Ajay Devgn, jr NTR iyo kuwa kale fadlan hoos ka daawo sawirada Bhatt laga soo bandhigay..

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*