Alia Bhatt Oo U Soo Jawaabtay Atariishada Kangana Ranaut Iyadoo Ugu Yeertay Karan Johar Boonbalihiisa

atariishada kangana ranaut waxa hadeertan tiyaatarada u saaran filimkeeda manikarnika: the queen of jhansi taaso ay hogaamiye ka tahay

atariishadan ku caan baxday inaysan shaqsiyaadka Bollywood-ka awooda ku leh ka gambanin ayaa maalin dhawayd waxa ay weerar dhanka afka ah ku qaaday Aamir Khan iyo Alia Bhatt.

Kangan waxay sheegtay in Alia Bhatt iyo Aamir Khan ka mid noqdeen kuwa labo wajiilayaasha ah ee Bollywood-ka ka tirsan sidoo kalena dantooda kaliya eegtaan maadaama ay diidayn codsi ay u gudbisay kaaso ah inay kasoo qayb-galaan daawashada filimkeeda manikarnika: the queen of jhansi

Kangana ayaa waxa ay alia ku qabsaday inay alia ka aqbashay markii ay ku casuuntay daawashada filimkeeda raazi sidoo kalena ay ugu hamabalyeesay bandhigeeda filimkaas

laakiin kangana ayaa si weyn ugu carootay markii alia bhatt ay ugu soo jawaabi waysay fariinta ay u dirtay kaaso ah inay kasoo qayb-gasho daawashada filimkeeda manikarnika: the queen of jhansi iyadoo alia bhatt ku tilmaamtay labo wajiile danteeda kaliya taqaan

laakiin alia bhatt iyadana maysan ka aamusin dhaleecaynta iyo aflagaadad kaga timid kangana ranaut iyadoo alia bhatt dhawaan wareysi siinaysay majalada DNA ayaa waxaa la weydiiyay sida ay u aragto hadalada iyo dhaleecaynta kaga timid kangana

alia bhatt iyadoo hadlaysa waxa ay tiri ” ma doonaayo inan ka hadlo wax ku saabsan iyada laakiin iyada waa qof aan ogayn waxa ay ku hadlayso taaso ah mararka qaar inaysan u dhaqmin sida dumarka laakiin markan iyada si fiican u eego waxa ay ila muuqata inay u muuqaal ek tahay boonbolaha karan johar ”

alia bhatt waxaa dhawaan tiyaatarada loo saari doonaa filimka lagu magacaabo kalank gully boy kaaso la wado aktarka ranveer singh waxaana la daawan doona 14 febraayo kaaso ku beegan maalinta jaceylka adduunka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*