Amaan-Amaan Ku Gud: Ranver Ayaa Amaanay Ranbir Kapoor Alia Bhatt Oo Is Celin Weysay Amaana Ugu Qubeysay Deepika Sheeko Xiiso Leh!!

Atirishada Alia Bhatt ee haatan hogaamineysa dhamaan atirishooyinka Bollywoodka ayaa si rasmi ah u qiratay inee taageero weyn u tahay in badana ku dayato Deepika Padukone sido kalena ay aad u jeceshahay.

Sheekadan waxay dhacday xili Alia Bhatt iyo Ranver Singh xayeysiin u sameynayeen mashruucoda Gully Boy ee sanadkaan la sugaayo in la daawado saxaafada horteeda ayeen sidan ka sheegtay xidigtaan.

Ugu horeyn Ranver Singh ayaa sheekada bilaaway waxuu sheegay inuu aad u jecelyahay Ranbir Kapoor taageerana u yahay sido kalena wax badan kaga daydo Alia ayaa la sheegay amaantas inee ka heshay uu Ranver saaxiibked amaanaayey.

Durba intee makarafoonak qaadatay ayee ayadana dhankeeda bilaawday inee amaanto Deepika Padukone oo ah xaaska Ranver Singh iyadoo sheegtay sida tan,”Boqoradeyda Deepika waa gabar anshax wanaagsan dhoola-cadeynteda ayaan ka hela waan taageersanahay Deepika aadna waan u jecelahay ma ogtahay Ranver arinkaa”

Singh oo sheekada u fahmay inee iska bareejeyneyso maadama uu Ranbir amaanay waxuu ugu jawaabay,”miyaad igu dayaneysa mise iskaada ayaad Deepika u jeceshahay waan gaarsiin doona fariinta ee ogow” Alia waxay ugu jawaabtay,”gaarsii waliba salaamna iga gaarsii waxan jeclahay inaa film la sameeyo waqtina la qaato aadba ugu xiisay Deepuu.”

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Click Kusiiso Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Click Kusii Mahadsanid…

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*