Amir Khan Oo Nala Wadaagay Sadex Waxyaabood Kaaso U Qorshaysan Sanadka 2019

Super Star Aamir Khan waa mid kamid ah halyeeyda usoo halgamtay hormarka Bollywoodka waana jilaa maqaam sare fanka Hindiya ka gaaray.

sidoo kale Aamir waa mid ka mid ah xidigaha ugu guulaha badan India sido kalena qaab jiliinkiisa cajiib ah waa mid waliged la xasuusan doono jiil kajiil

haddaba amir khan ayaa nala wadaagay qorshihiisa iyo waxyaabaha u qaban doono sanadka soo aadan

1. amir khan ayaa si weyn u fashilmay sanadka 2018 isagoo sheegay inuu wax ka baran doono qaladkiisa si uusan mar dambe u qalbi jabin taageerayaashiisa

2. amir khan ayaa balan-qaaday inuu markan samayn doono mid ka mid aflaamtiisa ugu fiican taaso uu doonaayo inuu kaga soo kabsado guul-darada filimka zero amir ayaa macquul ah inuu sanadkan 2019 inta lagu guda jiro inuu usoo baxo filim weyn waana dhacdo ay la yaabi doonan taageerayaasha aktarkan kaaso hore looga bartay inuu labo sanad uu ku keeno hal filim

3. amir khan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu doonaayo inuu waqti la qaato familkiisa qaasatan hooyadiisa iyo xaaskiisa kiran iyo caruurtiisa maadaama uu aad u jecel yahay iyaga