Amir Khan ” Sanadkii 1996 Shah Rukh Khan Waxa I Siiyay Laptop Lakiin Aniga Weligay Ma Isticmaalin ” ( Laakiin Sabab)

amir khan ayaa todobaadkii hore waxa uu ka qayb-galay xaflad ay dhigatay shirkada ku xeel-dheer dhanka iyo Technology taaso lagu magacaabo Nasscom annual technology and Leadership kaaso lagu qaybtay magaalada mumbai

amir khan ayaa halkaas waxa uu kasoo jeediyay khudbad shactiro iyo kaftan isugu jira isagoo shaaciyay inuusan ku fiicnayn isticmaalida aaladaha technologiyada isagoo xitaa sheegay inuu si dhib badan ku isticmaalo baraha bulshada maadaama uu sheegay inuusan ka helin waxyaabahaas

Amir khan ayaa sheegay Shah Rukh Khan inuu yahay maclinkiisa dhanka isticaamida Technologiyada isagoo soo qaatay dhacdo dhex-martay isaga iyo shah rukh khan sanadkii 1996 xilli ay ku sugnaayeen dalka mareekanka iyagoo halkaas u joogayn inay ku qabtaan bandhig faneed

Amir khan oo arrintaas ka hadlaya ayaa waxa uu yiri ” ka dib bandhiga aniga iyo shah rukh khan waxaan isku raacnay magaalada si aan wax usoo iibsino laakiin shah rukh khan waxa uu hadiyad ahaan iigu iibiyay labo laptop laakiin aniga waan ka diiday sababtoo ah ma aqoonin habka loo isticmaalo

laakiin shah rukh khan waxa uu igu qasbay inan ka gudoomo hadiyada aniga waan ka gudoomay laakiin I aamina laptopkaas maanan isticmaalin muddo 5 sano ah sababtoo shah rukh khan ayaa ila taliyay inan isticmaalo si mar walba aan ula socdo dhacdooyinka dunida “

dhanka shaqada amir khan filimkiisa ugu dambeeyay ee lagu arko waxa uu ahaa  filimkan thug of hindustani kaaso si weyn ugu fashilmay boxx office waxaana la hogaaminayay aktarka amithab bachachan