Amitabh Bachchan Oo Kumanaan Kun Taageero Ah Gurigiisa Ugu Imaadeen Maanta (+Sawiro)

Bollywood Shahenshah Amitabh Bachchan maanta munaasabadiisa dhalashoa ayee ku beegned maadama uu dhashtay maanta oo kale 11 October sanadkii 1942 waxuuna jirsaday 76 sano.

Big B dhalashadiisa daafaha caalamka meelo badan ayaa looga dabaal dagay maanta maadama uu yahay jilaa taageero badan kuleh faafaha caalamka iyo magac weyn aadna loo jecelyahay.

Xidigaan ayaa sida caadada ahed waxuu usoo baxay maanta inuu la kulmo taageerayaashisa faraha badan ee gurigiisakusoo booqdeen maadama sanad walba xiligaan oo kale ay u imaadan.

Waxaa xusid mudan in gobolo kala duwan iyo wadamo kala duwan qaarkood kasoo safraan si ay indhahooda u saaraan uun jilaagan ay jecelyihiin sanadkii xiligaan oo kalena fursad ayee u tahay.

Bachchan dhankiisa waa qof aad u jecel taageerayaashiisa xushmadna u haayo marwalbana wuu usoo baxaa isagoo dusha sare ka salaamo balse maanta aqalka qeybta sare kama uusan salaamin ee banaanka ayuu usoo baxay.

Waxaa sawiro laga soo qabtay Bachchan oo dibada aqalkiisa usoo baxay isagoo ciidan amaankisa sugaan wato si uu usalaamo dhamaan taageerayaasha dal iyo dibad oga imaadeen si ay ula kulmaan.