Amithab Bachchan , Sanjay Dutt Ilaa Iyo Fardeen Khan Aktarada Dib Ugu Soo Laabtayn Ka Dib Ay Muddo Ka Maqnaayeen Saaxada Filim Jilista ( Qaybta Kowaad)

Aktarada qaar oo ka mid ah bollywoodka waxa ay mararka qaar ay qaataan wadooyin helis ah kuwaaso dhaawici karta mustaqbalkooda fanka ka dib markii ay muddo badan ka maqnaayeen filim jilista

maanta waxan ku hayaa aktaro ay ka mid yihiin Amithab Bachchan , Sanjay Dutt Govinda iyo kuwa kale oo badan kuwaaso muddo ka maqnaayeen fanka ka dibna dib ugu soo laabtayn filim jilista si ay u bad-baadiyaan awoodooda aktarnimo

1. Amithab Bachchan

Amithab Bachchan oo hawada sara maraayo ayaa waxa uu sanadkii 1984 ku biiray siyaasada isagoo fanka filim jilista ka maqna muddo afar sano waxaana uu dib usoo laabtay sanadkii 1988 isagoo keenay filimkii weynaa ee Shahenshah kaaso si weyn u gil-gilay boxx office india

maadaama xiiso weyn loo qabay aktarkan ka dib markaas aktarkan waxa uu keenay aflaamo waa weyn sida Toofan, Jaadugar, Main Azaad Hoon , Agneepath , Bade Miyan Chote Miyan , Kabhi khushi kabhi gham , Mohabbatein iyo kuwa kale oo badan

2. Sanjay Dutt

Baba of Bollywood Aka Sanjay Dutt waxaa lagu tilmaamaa shaqsiga ugu muran bada taariikhda fanka Hindiya sidoo kalena 5-sano xabsi ah soo liqay isku dar ahaan waqtiyo kala duwan.

isagoo si rasmi ah loo xiray sanadkii 1993 ka dib markii lagu helay isagoo isticmaalaya hub sharci daro laakiin waxaa dhawr jeer xabsiga loogu sii dayn jiray damaanad

laakiin waxa aktarkan la xiray sanadkii 2013 isagoo xabsiga ku qaatay 5 sano waxaana si rasmi loo sii daayay 25 febraayo sanadkii 2016 ka dib markaas Sanjay Dutt waxa uu dib ugu soo laabtay filim jilista isagoo sanadkii 2017 Tiyaatarada loo saaray filimka Bhoomi

3. Govinda

Govinda xiligii 90s waxa uu ahaa aktar si weyn u madadaaliya daawadayaasha isagoo samayn jiray aflaamo shactiro ah laakiin sanadahan dambe waxaa yaraatay kasoo muuqashadiisa aflaamta

ka dib markii Govinda uu sameeyay filimkan Kill Dill (2014l kaaso uu ku jilaayay doorka xumaan waxaa aktarkan filim jilista uu ka maqnaa muddo 3 sano isagoo sanadkii 2017 kusoo laabtay filimka Aa Gaya Hero kaaso uu isaga soo saare ka yahay ka dib aktarkan waxa uu keenay aflaamo kale kuwaaso kala ah Fry day , Rangeela Raja

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*