Amithab Bachchan , Sanjay Dutt Ilaa Iyo Fardeen Khan Aktarada Dib Ugu Soo Laabtayn Ka Dib Ay Muddo Ka Maqnaayeen Saaxada Filim Jilista ( Qaybta Labaad)

Aktarada qaar oo ka mid ah bollywoodka waxa ay mararka qaar ay qaataan wadooyin helis ah kuwaaso dhaawici karta mustaqbalkooda fanka ka dib markii ay muddo badan ka maqnaayeen filim jilista

waxaana maqaalkan qayb ka ah aktaro ay ka mid yihiin Amithab Bachchan , Sanjay Dutt Govinda iyo kuwa kale oo badan kuwaaso muddo ka maqnaayeen fanka ka dibna dib ugu soo laabtayn filim jilista si ay u bad-baadiyaan awoodooda aktarnimo

Bobby Doel

aktarkan waxa uu fanka kusoo biiray sanadkii 1995 isagoo kusoo caan baxay filimkii Barsaat kaaso ay la waday atariishada Twinkle Khan ka dib markaas aktarkan waxa uu sameeyay aflaamo badan oo classic ah sida Soldier , Gupta , Badal , Bichho iyo kuwa kale oo badan isagoo kasoo muuqday inka badan 40 filim laakiin  Bobby Doel waxaa uu fanka laga waayay inta u dhaxeesay 2013 ilaa iyo 2017 isagoo filimkii ugu dambeeyay ee lagu arko uu ahaa filimka Yamla Pagla Deewana 2 ka dib

Bobby waxa uu nasiino qaatay muddo afar sano isagoo filim jilista kusoo laabtay sanadkii 2017 weliba waxa uu door weyn laga siiyay filimka Poster Boys kaaso ay la wadayn walaalkiisa Sunny Doel iyo Shreyas Talpade sidoo kale Bobby Doel waxa door wacan ku yeeshay filimka Race 3 kaaso u hogaamiye ka yahay aktarka Salman Khan hadda Bobby waxa uu saxiixday dhawr mashruuc oo waa weyn kuwaaso qaarkooda sanadkan la daawan doona sida filimka Housefull 4

Fardeen Khan

ninkan waqtiga wacan kusoo qaatay bollywoodka ayaa hadda waxa uu noqday aktarka gabi ahaanba layska hilmaamay isagoo xili loogu yeeri jiray Chocolate Boy ka dib bandhigyadiisa filimada kala ah Pyaar Tune Kya Kiya , All The Best iyo kuwa kale oo badan

hadda waxaa lasoo warinaya Fardeen Khan inuu diyaar u yahay inuu dib ugu soo laabto bollywood ka dib markii sagaal sano laga waayay shaashada aflaamta isagoo hadda ku maqan magaalada London si uu isku soo diyaariyo dhanka jirka iyadoo dhawaan la filaayo in Fardeen Khan lagu dhex arko filim jilista

Armaan Kohli

mid ka mid ah aktarada ugu caansan gudaha bollywoodka xiligii 90s Armaan Kohli ayaa waxa uu noqday aktar ka hara tareenka sida loosoo guda galay qarnigan isagoo noqday aktar calankiisa uu dhaco

isagoo fanka filim jilista ka maqnaa muddo 10 sano ayaa waxaa dib usoo celiyay aktarka Salman Khan kaaso kusoo daray filimkiisa Prem Ratan Dhan Payo kaaso la daawaday sanadkii 2015

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*