Ananya Panday, Karan Deol, Ahan Shetty 10 Caruur Ay Dhaleen Xidigo Caan Ah Oo Sanadkan Bollywoodka Laga Sugaayo (+Sawiro)

Waxaa so idlaaday ama soo dhamaaday sanadkii 2018 ee aan ku guda jirnay kaaso aan wax badan kaga hadalnay dhacdooyin badan oo ka dhaceen Bollywoodka iyo koonfur India-ba.

Hader waxaa la guda galay sanad cusub oo maanta uu bilawday waxaa la galayaa jadwal cusub iyo qorsho cusub waxaan arki doona aqbaarad cusub, aflaam cusub iyo jilayaal cusub.

Hadaba shabakadaha caalamka ayaa qorayaan warar hordhac ah oo ay kaga hadli doonan maxaa dhici kara sanadkaan 2019 Bollywoodka maxay la kulmi karaan yaa kusoo biro doono, aflaam noocee la sugaya iyo mowduucyo kale oo la xariira.

Sidaan wada ognahay sanadkii hore 2018 aflaam badan ayaa guulesteen kuwa kalena wey guul dareesteen, xidigo cusub ayaa Bollywoodka imaadeen dhacdooyin layaab leh ayaa dhaceen 2018.

Hadaba maqaalkan waxaan kag hadli doona xidigaha sanadkaan Bollywoodka laga sugaayo kuwaso ay dhaleen xidigo caan ah iyagoo dhalinyaro ah ayeeba xidigo noqdeen iyagana waqtigaan oo daafaha caalamka caan ka yihiin.

Aflaam kala nooc ah ayee kusoo caan bixi doonan qaarkod Super Stars caan ah ayaa soo caan bixinayaan qaarkodna waalidiintooda halka kuwa kale filmsameyaal caan ah aflaam usameen doonan halkaan hoose kaga bogo.

Ananya Panday-Chunky Panday Gabadhiisa: Student of The Year 2 Ayee kusoo caan baxee

Karan Kapadia-Dimple Kapadia Ayaa Eedo U Ah: Film Blank la dhaho oo Sunny Deol wax ka jilaayo ayuu kusoo caan baxan.

Pranutan Bahl Gabadha Mohnish Bahl: Salman Khan ayaa film u maal galin doono.

 

Karan Deol: Pal Pal Dil Ke Paas ayuu kusoo caan baxaa

Ahan Shetty: RX100 Remake ayuu kusoo caan baxaa

Alizeh Agnihotri Salman Gabadhu Abtiga U Yahay: Dabangg 3 ayee kusoo caan baxee

Vardhan Puri-Amrish Puri Ayaa Awoow U Ah: Filmka Paagal ayuu kusoo caan baxaa

Anmol Thakeria-Poonam Dhillion Ayaa Dhashay: Film Bhansali leeyahay ayuu kusoo caan baxaa

Alaia Furniturewalla-Pooja Bedi Gabadheeda: Filmka Jawani Janeman ayee kusoo caan baxee oo ay kujilee gabadha Saif Ali Khan.

Khushi Kapoor-Sridevi Gabadheeda: Karan Johar ayaa soo caan bixinaayo