Arimaha Bulshada: Haweeney U Dhalatay Dalka Ingiriiska Oo Taajir Ku Noqotay Lix Ukun Oo Ay Ku Quraacan Laheyd!!

Waa Maqaal Ku Celiska ah ka faaideyso hadii aadan horey u aqrisan maqaalkaan muhiimka ah:

Shabakada ugu carabka dheer dalkaan Ingiriiska ee Daily Mail ayaa shaaca ka qaaday qiso cajiib ah taaso ay la kulantay haweeney lagu magacaabo Sally Tompson oo 39 sanno jir ah

Haweeneydaan ayaa ka dhax heshay luul (Diamond) ukun ay kasoo iibsatay suuqa taasoo ay dooneysay inay ku quraacato.

Sally ayaa sheegtay inay quraac ahaan u sameysatay 6 ukun (Naalo) waxa ayna soo saaratay saxankeeda iyada oo weliba afka gashatay oo dooneysay inay liqdo ayey dareentay wax culeys ah oo carabkeeda gaaray.

Jariirada oo kasoo xiganeysa mid kamid ah dadka ku howlan xanaanada iyo beerista digaagyada iyo ukumaha ayaa sheegay inaysan weli dhicin arinkaan oo kale oo aysan ku arkin wax luul ah (Diamond) ah.

Hadaba arintaan kasoo yeertay dalka Ingiriiska ayaa noqoneysa mid kamid ah waxyaabaha qariibka ah ee ka dhacay dunida ee ilaa iyo haatan ah kuwa ugu yaabka badan.