Arjun Kapoor Iyo Sanjay Dutt Filimkooda Panipat waxaa wax ka jili doonan inka badan 110 Aktar Si Ay Ugu Qayb-Galaan Dagaalkii Sadexaad Ee Panipat

Filimka weyn ee lacagaha faraha badan lagu qarash gareyn doono Panipat ayaa si rasmi ah looga soo bandhigay kaartada kowaad iyo xiliga la daawanayo.

Filimka dagaalka boqortooyo Panipat waxaa hogaamiyaal ka ah Sanjay Dutt, Arjun Kapoor iyo Kriti Sanon oo lagu badalay Kareena Kapoor Khan oo markii hore la hadal haayay inay sameyn doonto mashruucaan.

hadda waxaa soo baxaya warar xiiso leh kaaso sheegaya in director filimkan ninka lagu magacaabo Ashutosh Gowariker oo caan ku ah sameynta filimada taariikhiga ah kaaso horey u sameeyay Lagaan, Swades, Jhoda Akbar iyo Mohenjo Daro ayaa hadda waxa uu qorsheenaya inuu filimkan kusoo daro 110 aktar oo kuwaaso filimkam ku lahaan doonan door muhiim ah

director kan looga bartay samaynta aflaamta taariikhiga ayaa markan waxa uu doonaya inuu la imaado filim ka hadal-hayn badan filimkiisa Jodha Akbar kaaso ah filim dagaal ah iyadoo filimkan Panipat lagu soo daray aktaro gaaraya 110 Aktar

kuwaaso si weyn ugu qayb-qaadan doonan dagaalka sadexaad ee panipat ama muuqaalka ugu dambeeyay filimkan sababtoo ah muuqaalka ugu dambeeyay ee filimkan waxaa uu noqon doona muuqaal dagaal kii ugu weynaa ee dhaawanahah lagu arko bollywoodka maadaama Director Ashutosh Gowariker uu diyaariyay 125,000 oo dagaal-yahan kuwaaso ka qayb ka ah dagaalka ugu dambeeya filimkan

Arjun Kapoor ayaa la dagaali doono dhigiisa Sanjay Dutt asigoo matalaayo abaan duuliyahii dagaalkii sedexaad Panipat Sadashiv Rao Bhau halka Sanjay uu jilaayo ninkii kusoo duulay Waqooyiga Hindiya Ahmad Shah Abdali ee ka talin jiray boqortooyadii Durrani ee ka jirtay Afghanistan.

Panipat waxaa la daawan doonaa 6 Dec 2019 waxaana Director ka ah Ashutosh Gowariker oo caan ku ah sameynta filimada taariikhiga ah asigoo horey u sameeyay Lagaan, Swades, Jhoda Akbar iyo Mohenjo Daro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*