Arjun Kapoor Oo Faa’ido Weyn Ku Qabo Daawashada Filimka Alia Bhatt iyo Varun Dhawan ee Kalank ( Laakiin Sidee)

Todobaadkan waxaa si qaas ah u leh filimka Kalank kaaso si weyn u haysto saxaafada dalka india iyo goob walba oo filim lagu falan-qeeyo maadaama uu ka mid yahay aflaamta ugu weyn ee sanadkan la sugaayo

Kalank waxaa laysugu keenay jilaayaal fanka sumcad iyo maqaam ku dhex leh sida Alia Bhatt , Varun Dhawan , Sanjay Dutt , Mandhuri Dixit , Sonakshi Sinha iyo Aditya Roy Kapur waana mashruuc weyn

Kalank waana filim sheeko ahaan ka hadlaayo 40-maadkii xiliga Hindiya xurnimada qaadanin sida bulshada midda dabaqada sare ay adkeyn inay nolol la wadaagto midda dabadaqa hoose ah filimkan jaceylka iyo sharafka qoyska sida aysan iskula jaan qaadi karin xurnimadii Hindiya ka hor ayaa looga hadlaa.

Kalank waa filim ay qasab tahay in si weyn loo daawado maadamaa uu leeyahay filimkan dhawr sababood kuwaaso dadka ku xiiso gelin kara inay daawadaan filimkan kaaos ugu horeeyay midoobida 20 aktarada Sanjay Dutt Iyo Mandhuri Dixit kuwaaso dib ugu midoobayn shaashada filimka  ka dib 20 sanadood

Kalank waxaa la daawan doona maalinta Arbacada ee soo aadan oo taariikhda ku beegan tahay 17 April  haddaba daawashada filimkan waxaa faa’ido weyn ah ku qabo filimka uu hogaamiyaha ka yahay aktarka Arjun Kapoor ee Indian Most Wanted  kaaso la daawan doona 24 bisha May

sababtoo Arjun Kapoor filimkiisa India Most Wanted waxaan goos-gooskiisa lagu soo dhex-dari doona filimka Kalank waana arrin faa’ido ay ugu jirto Arjun Kapoor Iyo filimkiisa maadaama filimka Kalank ay daawan doonan dad aad u fara badan waana mid Arjun Kapoor ku helaayo aqoonsi weyn

India’s Most Wanted ayaa ka hadlaayo hawl galkii caanka ahaa ee sanadii 2012 lagu qabtay ninka Hindiya loogu doonista badan yahay oo burcad iyo argagaxiye isku ahaa waana sheeko xaqiiqo ah.

Arjun Kapoor ayaa matalaayo door xaqiiqo ku saleesan weliba hawl galkan ayadoon wax xabad ah la ridin ayaa lagu guuleestay in gacanta lagu soo dhigo midka Hindiya loogu doonista badnaa 6-sano ka ho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*