Arjun Kapoor oo markale la shaqeyn doona adeerkiis Anil Kapoor, wuxuuna qaatay booskii Salman Khan!

Qeybtii labaad ee filimka shactarada ah No Entry ayey Bollywood-ku sameyn doonaan, waxaana loo bixiyey magaca No Entry Mein Entry.

Salman Khan ayaa diiday inuu ka qeyb noqdo mashruucaan, inkastoo ay xaqiiqadu tahay inuu hogaamiye ka ahaa qeybtii koowaad ee filimka No Entry. Warbaahinta India ayaana sheegeysay in filimkaan lagu soo dari doono aktarka Akshay Kumar kaaso badal u noqon doono aktarka fardeen khan

Si kastaba ha ahaatee, muran kama taagneyn in Anil Kapoor uu kasoo muuqan doono qeybta labaad ee No Entry Mein Entry.

Haatanse, wararka ayaa waxay sheegayaan in Arjun Kapoor uu ku biiri doono mashruuca No Entry Mein Entry, isla markaana uu markale la shaqeyn doono adeerkiis Anil Kapoor.

No Entry Mein Entry waxaa maalgelinaya Boney Kapoor oo ah aabaha dhalay Arjun Kapoor, markii arrintaan wax laga weydiiyeyna wuxuu daaha ka qaaday inay weli shaqada wadaan isla markaana ay dhowaan soo gudbin doonaan liiska jillaayaasha filimkaan.