Arooska Cusub DeepVeer: Ugu Dambeyn Ranver Iyo Deepika Waxay Soo Gaareen Aqalka Singh Ee Bandra Iyo Sawirada Laga Soo Qabtay!!

Arooska iyo arooska Ranver Singh iyo Deepika Padukone ayaa subaxan xiliga India soo caga dhigteen Airport-ga Mumbai iyagoo ka imaadeen Talyaaniga oo ay ku soo aqal galeen.

Lamaanahan ayaa si weyn loo soo dhaweeyay saaka subaxii xili saxaafada iyo taageerayaal badan eela boorka ugu tageen iyagoo u sacab tumayaan farxadna kusoo dhaweynayaan waxay si toos ah ugu wajahnaayen aqalka Ranver Singh ee xaafada Bandra ku yaalo.

Ranver gurigiisa ayaa duco lamaanahan loogu talo galay lagu dhigaya maanta oo ay kasoo qeyb galayaan qaraabada hadaba waxaa laga soo qabtay sawiro iyagoo soo galayaan magaalka xili ay Airport-ga kusugnaayeen.

Hadaba lamaanahan ayaa daqiiqado kahor soo gaareen guriga loogu talo galay ee ducada ka dhaceyso kaaso uu iska leeyahay Ranver Singh kuna yaalo xaafada Bandra ee caasimada Mumbai.

Waxaa kasoo qeyb galeen xafladan ama ducadan Deepika waalidiinteeda iyo qaraabadeeda ugu dhow halka Ranver waalidkiisa ay aqalka kusugan yihiin maantana halkaas ayee waqti kuwada qaadanayaan.

Hadaba waxaa lamaanahan laga soo qabtay sawiro xili ay aqalka sii galayeen guriga banaankiisana kusugnaayen ayagoo dusha sare ka salaamayan taageerayaal iyo saxaafada halkaan hoose ka daawo sawirada.

faf8522b-c36b-41d3-89a7-aba7696df020

f0d3c1c4-17c4-41f9-a579-4a027cc34fd8

Newlyweds Ranveer Singh and Deepika Padukone arrive in Mumbai; head to Bhavnani residence for Griha Pravesh - view pics

20181118100308_IMG_2603(1)545ea128-02ae-44eb-9f0b-c88f397347b1