Home » Nolosha Jilaayaasha » Arooska Cusub: Priyanka Iyo Nick Oo Mumbai Dib Ugu Soo Noqdeen (+Sawiro)

Arooska Cusub: Priyanka Iyo Nick Oo Mumbai Dib Ugu Soo Noqdeen (+Sawiro)

Ugu dambeyn Priyanka Chopra iyo Nick Jonas magaalka Mumbai ayee dib ugu soo noqdeen kadib Delhi oo ay ku maqnaayen xaflad heer sare ahna kudhigteen sawiro ayaa laga soo qabtay xili ay Airport-ga Mumbai kusugnaayen.

Sidaan idiin la wadaagnayba atirishada Priyanka Chopra hader waxay noqotay Mrs Jonas maadama ay u dhaxdo fanaanka caanka ah Nick Jonas kaaso xidigtaan guursada 1 iyo 2 December sanadkaan.

Priyanka hadal heynta arooskeda waa mid si weyn baraha bulshada u sameeyay labo aroos ayee xidigtaan gashay taaso atirishooyin badan dheertahay waxay 1 Dec dhigatay aroos qaab kirishtaan ah u dhacay.

Iyo 2 Dec oo ay dhigatay aroos qaab hindu ah udhacay inaba caadi ma ahan dhalaalka xidigtaan ka muuqday labadeeda aroos xitaa Deepika iyo Sonam oo arooskoda la buun buuninayey Priyanka aya ka sare martay.

Priyanka si muran la’aan ah waxay atirishooyinka kala ah Deepika, Sonam, Anushka,Neha iyo kuwa kaleba tustay inee ka qurux badantahay aroos ahaan ka saameyn badnaatay hadaba xidigaha Bollywoodka ayaa bilaaweyn inee u hambalyeyan xidigtan.

27 December ayee New York u duuli doonan lamaanahan halkaas oo ay ku aqal gali doonan bishooda malabka dhamaadka Janaayo 2019 ayeena dib ugu so noqon doonan India balse 15 December ayee Mumbai xaflad weyn kudhigan doonan Nickyanka.

Halkaan hoose ka daawo sawirada Nickyanka laga soo qabtay iyagoo magaalka soo galayaan:

DSC_0157

DSC_5341

Photos,Priyanka Chopra,Nick Jonas

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *