Arooska Isha Ambani: Salman, Katrina, Karan, Parineeti Looma Kala Harin Arooskan (+Sawiro)

Waxaa todobaadkan is guursan doonan lamaanaha taajiriinta ama qoyska lacag leh dhaleen Isha Ambani iyo Anand Piramal kuwaso si rasmi ah isku guursan doonan waxaan dhaleen ganacsato caan ah.

Arooskoda xidigo badan oo Bollywoodka katirsan ayaa lagu casuumay inee ka qeyb galaan qoyska Ambani marhore ayeena Udaipur u safreen sido kalena Abhishek Bachchan iyo Aishwarya ayaa arooskan goobta uu ka dhacaayo marhore sii aadeen.

Dhanka kale Nickyanka ayaa maanta u safreen Udaipur si ay kaga qeyb galaan arooska lamaanaha Isha Ambani iy Anand Piramal kuwaaso ay dhaleen dad ganacsato India caan ka ah daafaha caalamkana magac kuleh.

Horey ayee xaflado waaweyn ugu dhigteen faraanti galiskooda oo ay Nickyanka ka qeyb galeen markaana aroos weyn ayee Udaipur kudhiganayan laguna casuumay lamaanaha Nickyanka.

Xidigah kale ee arooskan maanta xili hore u safreen sido kalena Udaipur u aaden inee ka qeyb galaan waxaa kamid ah Salman Kha, Katrina Kaif, Karan Johar, Parineeti Chopra, Boney Kapoor, Janhvi Kapoor, John Abraham iyo kuwa kale oo badan.

Dabcan goobta aroos xiiso leh ayaa ka dhici doono maalinta barita ah ayaa la filaa in si rasmi ah u dhici doono arooska lamaanahan halkaan hoose ka daawo sawirada laga soo qabtay xidigaha Bollywoodka maanta Udaipur u safrayeen..

DSC_2289

DSC_2482

DSC_2705

DSC_5771

DSC_5792DSC_5882

DSC_5882

DSC_5901

 

DSC_5947

DSC_6020

DSC_6086

DSC_6049DSC_6106(1)

DSC_6146

IMG_0583

DSC_6180 (1)