Arooska Isha Ambani: SRK, Prabhas, Alia Bhat Iyo Xidigo Kale Oo Udaipur U Safreen Si Ay Arooska Kaga Qeyb Galaan (+Sawiro)

Waxaa todobaadkan is guursan doonan lamaanaha taajiriinta ama qoyska lacag leh dhaleen Isha Ambani iyo Anand Piramal kuwaso si rasmi ah isku guursan doonan waxaan dhaleen ganacsato caan ah.

Arooskoda xidigo badan oo Bollywoodka katirsan ayaa lagu casuumay inee ka qeyb galaan qoyska Ambani marhore ayeena Udaipur u safreen sido kalena Abhishek Bachchan iyo Aishwarya ayaa arooskan goobta uu ka dhacaayo marhore sii aadeen.

Dhanka kale Nickyanka ayaa shalay u safreen Udaipur si ay kaga qeyb galaan arooska lamaanaha Isha Ambani iy Anand Piramal kuwaaso ay dhaleen dad ganacsato India caan ka ah daafaha caalamkana magac kuleh.

Horey ayee xaflado waaweyn ugu dhigteen faraanti galiskooda oo ay Nickyanka ka qeyb galeen markaana aroos weyn ayee Udaipur kudhiganayan laguna casuumay lamaanaha Nickyanka.

Xidigah kale ee arooskan shaly xili hore u safreen sido kalena Udaipur u aaden inee ka qeyb galaan waxaa kamid ah Salman Kha, Katrina Kaif, Karan Johar, Parineeti Chopra, Boney Kapoor, Janhvi Kapoor, John Abraham iyo kuwa kale oo badan.

Hadaba xalay ayaa hadana la arkay xidigo kale oo u safrayaan Udaipur todobaadkan dhan lamaanahan arooskoda qaban qaabadiisa ayaa socon doono SRK ayaa si toos ah Dubai oga yimid Mumbai ayuu soo caga dhigtay hadana Udaipur ayu usii safray waxaa kaloo sawiro laga soo qabtay oo Udaipur kuwajahnaayen xidigaha kala ah Prabhas, Alia Bhatt, Sohall Khan, Gauir Khan iyo kuwa kale halkan hoose ka daawo sawiradooda.

alia bhatt

prabhas

sohail khan

srk 3

srk 1