Arrin Xiiso Badan: Amithab Bachchan Iyo Naseeruddin Shah Oo Markii Ugu Horeesay Filim Wada Hogaamin-Doonan

amithab bachachan ayaa waxa uu sanadahan dambe go’aansaday inuu la shaqeeyo aktarada soo baxaya sida isagoo hore uu lasoo shaqeeyay atariishada lagu magacaabo tapsee pannu ,deepika padukone iyo aktaro kale oo badan

hadda waxa uu filim kula midoobi doonan aktarka tayada badan ee lagu magacaabo Rajkumar Rao kaaso ka mid aktarada dhalinta-yar kuwooda ugu tayada badan sida ay soo warinayso wareyska Times India

waxaa sidoo kale filimkan door muhiim ku lahaan doona Rugcadaaga Naseeruddin Shah waana markii ugu horeesay ee ay filim isla hogaaminaayaan labadan halyeey

laakiin hore ayay shaashada iskala soo muuqdayn isagoo Amithab bachachan uu muuqaal marti ku lahaa labada filim uu hogaamiye ka yahay aktarka naseeruddin shah ee lagu kala magacaabo Hiralal iyo Jalwa

laakiin markan hal filim ayay isla hogaamin doonan waxaana filimkan director looga dhigay Kabir Kaushak kaaso ah director kii hore u sameeyay filimada kala ah Hum Tum Aur Ghost iyo Maximum waxaana la qorsheenaya in duubista filimkan la bilaabo bilowga sanadka dambe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*