Arrin yaab leh oo hooyo ku kaliftay inay cunugeeda iib ahaan usoo dhigto website caan ah oo wax laga iibsado (Akhriso Qiimaha lagu rabo)

Shabakadda caanka ah ee online-ka wax looga iibsado ee OLX, taasoo 45 dal ka shaqeysa lana aasaasay sannadkii 2006dii, ayaa macaamiisheedu si aad ah uga caroodeen ka dib markii lasoo dhigay cunug iib ah.

Haweeneey ayaa go’aansatay inay shabakadda OLX cunugeeda ku iibiso, iyadoo xitaa tixraaca soo dhigtay bog dhanka Facebook-ga ah.

Gabar lagu magacaabo Esra Mohammed, oo ka mid ah dadkii aragtida ka dhiibtay qoraalkaas lasoo dhigay Facebook ayaa caddeysay inay xiriir la sameysay hooyada dhashay cunugaas, si ay uga xaqiiqsato afkeeda inuu iib u yahay.

Esra Mohammed ayaana loo sheegay inay arrintaani dhab tahay, sidii xayeysiinta lagu caddeeyeyna waxaa la xaqiijiyey in 2 kun oo ginni lagu iibinayo cunugaan.

Waxay noqotay markii ugu horreysay ee shaqsi nool lagu kala iibsanayo suuqa online-ka ah ee OLX, sidaas darteed macaamiisha ayaa carooday. Qaar ka mid ah ayaa ku eedeeyey haweeneyda cunugaan iibineysa inay soo afduubatay oo aysan iyadu dhalin.

Isra ayaa xitaa taleefoonka haweeneyda cunugaan iibineysa waxay siisay boliiska, waxaana xusid mudan in sawirka cunuga lagu soo daray xayeysiinta. Laakiin waxaa macquul ah inay haweeneydaasi maskax ahaan u jiran tahay, sida ay boliisku ka digeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*