Arshad Warsi Iyo Boman Irani Filmka Ay Ku Xifaaltamen Jolly LLB Siduu Hit Dhamestiran Ku Noqday?

 

Jolly LLB waa film ka hadlaayo waxyaabaha sharciga quseeya sida qareenimada iyo sida looga baahanyahay qofka inuu waajibadkiisa u gudo sido kalena hab madadaalo ah loo sameyay.

Waxaa wada jileen oo xifaaltan weyn ku dhexmaraa jilayaasha kala ah Arshad Warsi iyo Boman Irani halka kuwa kalena ay wadaan sido kale filmkaan qeybtiisa labaad sanadkii 2017 ayaa lasameyay Jolly LLB 2 ayadoo uu Super Star Akshay Kumar hogaamiye ka ahaa…

Maanta oo kale 15 Maarso sanadkii 2013 ayaa la daawaday filimka Jolly LLBl oo noqday mashruuc guulestay hadaba sida filimkan  Hit ku noqday iyo macluumaadkiisa dhameestiran fadlan hoos kaga bogo:

Director: Subhash Kapoor

Tiyaatarada laga daawaday: 875

Maalinta kowaad lacagta uu keenay: 2.98 Crore

Sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso lacagaha uu keenay:  12.04 Crore

Todobaadkiisa kowaad lacagaha uu keenay: 18.31 Crore

Lacagaha lagu qarash gareeyay –13.50 Crore

Lacagaha nadiifka ah ee uu keenay – 30.32 Crore

Lacagtaan hadii sicirka maanta lagu jaan gooyo – 32.66 crore

Lacagaha uu keenay canshuurta ka hor – 40.86 crore

Tirada tikit u goosatay –  3-malyan 397,000 oo qof

Lacagaha kooxda cajaladaha qeybiyeen ka heleen – 14.22 Crore

Natiijadiisa: Hit

Qiimeynta IMDB Rating – 7.4/10

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*