Arshad Warsi ” Sheekada Filimka Munna Bhai 3 Waa Diyaar Waxaana Duubistiisa La Bilaabi Doontaa Sanadkan Gudihiisa”

Munna Bhai waa taxano u gaar ah filmsameye Rajkumar Hirani waana film xiiso leh oo aad loo jecel yahay labadiisa qeybood ee horena si wanaagsan u gadmeen

Labada qeybood ee hore Munna Bhai iyo Lage Raho Munna Bhai waxaa hogaamiyaal ka ahayen Sanjay Dutt, Arshad Warsi iyo Boman Irani ayadoo ay bandhig taariikhi ah ka muujiyen

hadda waxaa arrintaan ka hadlay aktarka arshad warsi kaaso door fiican ku lahaa munna bhai labadiisa qaybood isagoo ku caan baxay doorkiisa circuit aktarkan ayaa waxaa dhawaan tiyaatarada loo saari doonaa filimkiisa shactirada ee fraud saiyaan

arshad ayaa saxaafada u sheegay in lasoo gaba-gabeeyay qorista sheekada munna bhai qaybtiisa sadexaad madaama mr. Hirani uu mar hore bilaabay qorista sheekada qeybteeda sedexaad

iyadoo arshad uu meesha ka saaray wararka xanta ah kuwaaso sheegayaan inuusan mashruucan qayb ka ahayn isagoo sheegay in haddii filimkan laga waayo isaga iyo sanjay dutt inuusan yeelin doonin xiiso sidoo kale aktarkan ayaa sheegay inay  macquul  tahay in duubista filimka la bilaabo inta lagu guda jiro sanadkan