Atariishada Dance-ga Ku Caan Baxday Nora Fatehi Oo Lagu Soo Daray Filimka ABCD 3

iyadoo dhawaan lagu dhawaaqay in atariishada lagu magacaabo shradha kapoor ay  badashay katrina Kaif filimka ABCD 3 taaso isaga baxday mashruucan iyadoo si weyn ugu mashquushay duubista filimkeeda bharat

waxaana booskaas aqbashay inay filimkan inay sameyso Shraddha Kapoor oo horey kooxdan filimka ABCD 2 ula sameesay

hadda waxaa mashruucan lagu soo daray atariishada dhawaanahan looga haray dhanka iyo dance-ga nora fatehi sida ay maanta soo warinaya majaladaha gudaha india atariishadan ayaa waxa ay si dhakhsi leh ku yeelatay taageero fara badan

ka dib markii ay dance shidan kusoo bandhigtay heeska dilbar kaaso ay si weyn ugu helayn dhalin-yarada

nora fatehi ayaa atariisho labaad ka noqon doonto filimkan ay hogaamiyaha ka yihiin shradha kapoor iyo varun dhawan waxaaana mashruucan  Director ka ah Remo D’souza

halka uu qarash gareenayo Bhushan Kumar jilaayasha kale ee filma wax ka jilayaan waxaa kamid ah Prabhudheva, Dharmesh Yelande, Raghav Juyal iyo kuwa kale waxaana si rasmi ah loo daawan doona 8 Nov 2019