Atariishada Jacqueline Fernandez Oo Lagu Soo Daray Mashruuca Filimka Aankhen 2

Aankhen (Indho) waa film qayaano iyo camoolayaal ka hadlaayo kaaso qaybtiisa kowaad la daawaday sanadkii 20012 waxaana wada jileen ama hogaamiyaal ka ahayen Amitabh Bachchan, Akshay kumar, Arjun Rampal, Paresh Rawal, Sushmita Sen iyo Aditya Pancholi.

haddaba maalmahan dambe waxaa isa soo taraayay warbixino ku saabsan mashruucan iyadoo filimkan markan Direcor looga dhigay director Anees Bazmee kaaso looga haray samaynta aflaamta shactirada

Director Anees Bazmee ayaa ku hawlan dhameestirka jilaayaasha filimkiisa weyn Aankhen 2 oo uu hogaamiye ka yahay Amitabh Bachchan shaqadiisana bilaaban doonto bisha May ee sanadkan waana qaybta labaad filimkii la wada jeclaaday ee qayaanada iyo dhicida bangiga ku saabsanaa Aankhen.

Haatan si rasmi ah waxaa loo ogaaday in Director Anees Bazmee uu atariishada Jacqueline Fernandez usoo bandhigay inay filimkan ku lahaato door weyn

Director Anees Bazmee oo dhawaan la hadlaayay majalada  DNA ayaa xaqiijiyay inuu wada-hadalo kula jiro atariishada Jacqueline Fernandez si ay qayb ugu noqoto filimkiisa directorkan ayaa sheegay inuu filimkan u qorsheeyay inay sameeyaan 1 atariisho iyo  afar ataroore kaaso noqonaysaa inuu Anees Bazmee inuu filimkan ka doonaayo 5 door kaliya

sidoo kale Anees ayaa xaqiijiyay inuu hadda gacanta ku haayo aktarada uu samayn lahaayeen labo door kuwaaso hore qayb ugu ahaayeen qaybtiisa waxaana ay kala yihiin Amithab Bachchan kaaso filimkan hogaamiye ka ah iyo aktarka Paresh Rawal

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*