Atirishooyinka Bollywoodka Katirsan Oo Qaliin Wajiga Ah Mareen Quruxda U Jeedid Foolxuma Ka Horeysay Qeybtii 3aad (+Sawiro)

Atirishooyinka Bollywoodka iyo dumarka kale ee kasoo jeedan dalka India waxaa lagu tilmaama hablaha ugu quruxda badan aduunka marka lala bar bar dhigo dumarka kale ee daafaha caalamka.

Hadaba quruxda waxaa loo qeybiyaa laba qeybood oo ah mid udhalasho ah iyo mid la iska keenay waxaana ugu wanaagsan tan u dhalashada ah.

Dunidan maanta aan joogno waxyaabo badan ayee dadka sameyaan waxaad arkeysaa qof markuu yaraa aad u foolxuma badnaa mudo kadibna qurux badan halka qofkale qurux badanaa mudo kadibna foolxuma noqonaayo waxaana taas sabab u ah waqtiga, daawo la is mariyo iyo waliba qaliin lamaro.

Waxaan idiin heynaa atirishooyinka Bollywoodka kuwooda qaliinka wajiga ah hada kahor mareen sido kalena qaar kamid ah waxay ka dhaxleen qurux oo muuqaalkoda hore mid ka wanaagsan ayee qaliinkas ku heleen halka kuwa kalena foolxuma ka dhaxleen muuqaalkodi hore ee quruxda badnaana waayen.

Fadlan Hoos Kaga Bogo Maqaalka Qeybtiisa Labaad Iyo Sawirada Aad Ku Kala Garan Karto:

Minissha Lamba:

Minissha Lamba Before and After Plastic Suregery

Atirishadan waxaay qaliin ku sameysay sankeeda ayadoo markii dambe heshay san toosan oo qurux badan sida sawirka idiin kaga muuqdo.

Sido kale waxaa la isla dhexmaraayey in xabadkana ay duratay ama qaliin nooca lesarka ay kusameysay waana hab casri ah oo dumarka maanta dhanka xabadka kusameyaan.

Karisma Kapoor:

Karisma Kapoor Before and After Plastic Suregery

Karisma Kapoor inee qaliin martay daafaha caalamka wa laga wada ogyahay sababto ah waxay qaliin kusameysay sankeeda iyo bishimaheda.

Bipasha Basu:

Bipasha Basu Before and After Plastic Suregery

Bipasha waxay kamid tahay atirishooyinka mindida isla dhaceen oo muuqaalkoda bedeleen waxayna xidigtaan qaliin kusameysay ugu horeyn sanka marka labaadna qaab dhismeedka wajigeeda.

 Rakhi Sawant:

waxay qaliin kusameysay marka kowaad xabadka ama naasaha kadibna sankeeda ayee qaliin kusameysay markii ugu dambeysayna bishimaha.

ma qurux ayee ka heshay mise qaab daro suaashas idinka uun ka jawaaba

Ayesha Takia:

Xidigtaan quruxda badan liiska atirishooyinka Bollywoodka qaliinka mareen ayee kujirtaa, marka hore xabada ama naasaha ayee duratay.

Halka markii dambe bishimaheda ay qaliin kusameysay sida la sheegay waana arin naadir ah oo xidigtaan laga diiwaan galiyay.

Wuu Socdaa Maqaalka….