Atirishooyinka Bollywoodka Katirsan Oo Qaliin Wajiga Ah Mareen Quruxda U Jeedid Foolxuma Ka Horeysay (+Sawiro)

Atirishooyinka Bollywoodka iyo dumarka kale ee kasoo jeedan dalka India waxaa lagu tilmaama hablaha ugu quruxda badan aduunka marka lala bar bar dhigo dumarka kale ee daafaha caalamka.

Hadaba quruxda waxaa loo qeybiyaa laba qeybood oo ah mid udhalasho ah iyo mid la iska keenay waxaana ugu wanaagsan tan u dhalashada ah.

Dunidan maanta aan joogno waxyaabo badan ayee dadka sameyaan waxaad arkeysaa qof markuu yaraa aad u foolxuma badnaa mudo kadibna qurux badan halka qofkale qurux badanaa mudo kadibna foolxuma noqonaayo waxaana taas sabab u ah waqtiga, daawo la is mariyo iyo waliba qaliin lamaro.

Waxaan idiin heynaa atirishooyinka Bollywoodka kuwooda qaliinka wajiga ah hada kahor mareen sido kalena qaar kamid ah waxay ka dhaxleen qurux oo muuqaalkoda hore mid ka wanaagsan ayee qaliinkas ku heleen halka kuwa kalena foolxuma ka dhaxleen muuqaalkodi hore ee quruxda badnaana waayen.

Fadlan Hoos Kaga Bogo Maqaalka Qeybtiisa Kowaad Iyo Sawirada Aad Ku Kala Garan Karto:

Priyanka Chopra:

Bollywood Actress Priyanka Chopra Before And After Plastic Surgery

Mid kamid ah dumarka dunida ugu quruxda badan dunida taariikh ahaan Priyanka Chopra, xidigtaan qaliin wajiga ah ayee martay laga soo bilaawo sanka ilaa bishimaha sida sawirka aad ka fahmi kartaan marki hore se ahed iyo hada side tahay.

Anushka Sharma Kohli:

Bollywood Actress Anushka Sharma Before And After Plastic Surgery

Atirishada Filmka Rab Ne Bana Di Jodi, quruxdeda filmkaas aad ayee nooga yaabsatah balse maxaa ka dambeyay xidigtaan qaliin dhanka bishimaha ah sida sawirka aad ka fahmi kartaan.

Vaani Kapoor:

Bollywood Actress Vaani Kapoor Before And After Plastic Surgery

Atirishadan waxay kujirtaa liiska xidigaha qaliinka dhanka wajiga ah mareen, waxayna qaliin kusameysay garkeeda, bishimaheda iyo qaab dhismeedka wajigedaba.

Shruti Haasan:

Shruti Hassan Before And After Plastic Surgery

Qof walba ayaa garanaya Shruti Haasan waa atirisho caalami ah sido kalena kasoo shaqeysay aflaamta koonfur india iyo kuwa Bollywoodkaba waxaaana dhalaya Super Star Kamal Haasan

Xidigtaan sawirka ayaaba cadeen idiiin ah waxay qaliin kusameysay sankeeda xitaa sawirkeda hore marke yared la isma dhahaayo tani waa Shruti Haasan.

Sridevi:

Sridevi Before And After Plastic Surgery

Power Star Sridevi waa mid kamid atirishooyinkii 80kii iyo 90kii ugu caansanaayen balse maanta aan dunida ku noolen xidigtaan asal ahaan waa reer koonfur India sidaa awged markee yared sankeed aad ayuu weynaa waxayna martay qaliin dhanka sanka ah ilaa ay marki dambe kamid noqotay gabdhaha ugu quruxda badan taarikhda  fanka hindiya.

Shilpa Shetyy:

Bollywood Actress Shilpa Shetty Before And After Nose Job

Shila Shetty quruxleyda Bollywoodka markee yared la isma dhahayo tani waa Shilpa oo yar maadama muuqaal ahaan kala duwan yihiin waxayna sameysay xidigtaan qaliin dhanka sanka ah filmka Baazigar na muuqaal cusub ayee la timid oo ay dadka quruxdeda qalbiga kaga xaday maadama yaraanteda sanked aad u weynaa.

Kareena Kapoor Khan:

 Photo Credit http://www.indiatimes.com/health/healthyliving/what-is-botox-is-botox-safe-241635.html

Dadka waxay in badan is weydiyeen Bebo maxaa kudhacay muuqaalka wajigeda dambe maadama filmadii lagu yaqiinay sida K3G, Mujhse Dosti Karoge, Main Prem Ki Deewani Hoon wajiged iyo kan maanta farqi weyn u dhaxeya.

Ileen xidigtaan waxayba martay qalin dhanka wajiga ah sida sawirka idiin kaga muuqdo daamankeda aad ayee u bedeshay xidigtaan..

Hadaba Akhriste Xidigaha Aan Idiin La Wadaagnay Ee Qaliinka Wajiga Ah Maray Yaa Ku Qasaaray Yaase Ku Faaiday?

Wuu Socdaa Maqaalka……………..