Atooraha Sushant Singh Rajput Iyo Xidigaha Uu Bollywoodka Ka Taagero, Aflaamta Uu Jecel Yahay Wax Badan Ka Ogow!!

 

Sushant Singh Rajput waa mid kamid ah atoorayaasha dhalinta ah ee ka xamaashtaan shirkada Bollywoodka inkastoo awood balaaran uusan ku leheen dhanka Box-office-ka xidigaan asal ahaan Tv-yada ka yimid.

Haderna waxaan idiin heynaa Sushant Singh Rajput iyo xidigaha uu Bollywoodka ka taagero aflaamta uu jecelyahay in badana muhiim tahay in wax laga barto.

Sushant Singh Rajput Bollywoodka waxuu ka taagera Boqorka jaceylka Shah Rukh Khan sida uu horey wareysi uu xidigaan oga cadeyay ba.

Waa shaqsiga kowaad ee Sushant uu taageraha rasmiga oga yahay dhanka Bollywoodka, sido kale dhanka atirishooyinka marka laga hadlo xidigaan waxuu taagera atirishooyinka kala ah Kajol, Madhuri Dixit Aishwarya Rai Bachchan.

Sido kale filmsameyaalka caanka ah ee Bollywoodka ka shaqeyaan xidigaan waxuu ka taagera oo uu had iyo jeer jecel yahay inuu la shaqeyo filmsameyaalka kala ah Sanjay leela Bhansali iyo Rajkumar Hiirani.

Ugu Dambeyn Sushant aflaamta uu ka xiiseyo Bollywodka waa aflaamta uu hogaamiyah ka yahay King Khan kuwaaso kala ah DDLJ iyo Kuch kuch Hota Hai.