Home BOX OFFICE Atoorayaasha Bollywoodka Ee Hal Sano Gudahiisa 3 Film Iyo Ka Badan Hit...

Atoorayaasha Bollywoodka Ee Hal Sano Gudahiisa 3 Film Iyo Ka Badan Hit Dhameestiran U Noqdeen 1993-2019!!

 

Wax sahlan ma ahan in atoore ama atiriisho hal sano gudahiisa ku sameyeen sedex film Hit dhameestiran noqdeen ugu yaraan balse iskoorkan waxuu u gaar yahay kaliya 5 atoore oo qaanadan gaarka ah galeen.

Laga soo bilaawo 1993 ilaa 2019 kaliya 5 atoore ayaa sameyeen hal sano gudaheeda sedex film iyo kabadan oo Hit dhameestiran noqdeen waxaan liiskan hogaaminaayo Super Star Akshay Kumar kaaso 4 sano kala duwan iskoorkan sameeyay.

Qeybta labaad atiriishooyinka ayaan soo bandhigi doonnaa balse qeybta kowaad ee atoorayaasha fadlan halkaan hoose kaga bogo iyo atoore 5-tooda sanadada uu sameeyay sedex film Hit dhameestiran noqdeen ugu yaraan.

Akshay Kumar: 4 Sano

1994: Shan Film ayaa Hit dhameestiran u noqdeen oo kala ah Elaan (Hit), Yeh Dillagi (Hit), Mohra (Blockbuster), Main Khiladi To Anari (Hit) iyo Suhaag (Hit).

2007: Sedex film ayaa Hit dhameestiran u noqdeen oo kala ah Heyy Babyy (Hit), Bhool Bhulaiyaa (Hit) iyo Welcome (Super Hit).

2012: Sedex film ayaa Hit dhameestiran u noqdeen oo kala ah Houseful 2 (Super Hit), Rowdy Rathore (Blockbuster) iyo OMG! Oh My God (Super Hit).

2016: Sedex film ayaa Hit dhameestiran u noqdeen oo kala ah Airlift (Super Hit), Houseful 3 (Hit) iyo Rustom (Super Hit).

Shah Rukh Khan: 2 sano

1995: Sedex film ayaa Hit dhameestiran u noqdeen oo kala ah Karan Arjun (Blockbuster), DDLJ (All Time Blockbuster) iyo Ram Jaane (Hit).

1997: Markale sedex film ayaa Hit dhameestiran u noqdeen oo kala ah Yes Boss (Hit), Pardes (Super Hit) iyo Dil To Pagal Hai (Blockbuster).

Ajay Devgn: 2 Sano

1994: Sedex film ayaa Hit dhameestiran u noqdeen oo kala ah Dilwale (Super Hit), Vijaypath (Hit) iyo Suhaag (Hit).

2010: Sedex film ayaa Hit dhameestiran u noqdeen oo kala ah Raajneeti (Super Hit), Once Upon A Time In Mumbai (Hit) iyo Golmaal 3 (Blockbuster).

Salman Khan: 1 sano

1999: Sedex film ayaa Hit dhameestiran u noqdeen oo kala ah Biwi No.1 (Super Hit), Hum Dil De Chuke Sanam (Hit), Hum Saathi Saathi Hain (Blockbuster),

Anil Kapoor: 1 Sano

1997: Sedex film ayaa Hit dhameestiran u noqdeen oo kala ah Judaai (Super Hit), Virasat (Hit) iyo Deewana Mastana (Hit).

Lasoco Qeybta Atiriishooyinka..

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin ku dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Caunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah ku dhufo Mahadsanid…

 




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...