Awoodda Kangana: Kangana Ranaut Oo Noqotay Atariishada Ugu Mushaharka Badan Dalka India Iyadoo 24 Crore ($3.44 million) Ku Qaadan Doonta Samaynta Filimka Looga Hadlaayo Nolosha J. Jayalalitha

waxaa dhawaan aan idinla wadaagnay warbixin ku saabsan in atariishada Kangana Ranaut ay saxiixatay filim looga hadlaayo nolosha Wasiiradii Hore ee gobolka Tamil Haweeneyda lagu magacaabo J. Jayalalithaa taaso ka mid ah shaqsiyaadka ugu caansan ee dalka india kuwaaso soo maray dhanka siyaasada

waxaana kooxda filimkan ku qasbanaadayn inay akoonkooda ka bixiyaan lacago dhan Rs 24 crore si ay u siiyaan atariishada Kangana Ranaut taaso ka dhigaysa atariishada ugu mushaarka badan dhamaan inta atariisho ee ka shaqeeya dalka india

waana sababta Kangana Ranaut mararka qaar aan lala bar-bar dhigin atariishooyinka iyadoo hadda ka sara martay dhanka mushaarka lagu qaato halkii filim atariishada Deepika Padukone taaso filimkii Padmaavat ku qaadatay lacago dhan Rs 13 crore halka Ranveer Singh Iyo Shahid Kapoor filimkaas lagu siiyay min 10 crore

iyadoo xitaa Kangana ka sara martay dhanka mushaarka halkii filim lagu qaato aktarada kala ah Ajay Devgan , Akshay Kumar kuwaaso halkii filim ku qaataan mim 18 crore sidoo kale waxa ay wadada ugu soo tagtay aktaro ay ka mid yihiin Hrithik Roshan , Ranbir Kapoor

sida ay soo warinayso majalada mumbai mirror Kanagana ayaa 24 crore ku qaadan doonto filimka looga hadlaayo nolosha wasiiradii hore iyo atariishadii hore ee gobolka Tamil J. Jayalalithaa waxaana filimkan lagu daawan doona luuqadaha Hindi iyo Tamil halka uu Director ka yahay Vijay

waxaana filimkan ku bixi doona lacago gaaraya 100 crore waana mid ay ku faani doonto atariishada Kanagana Ranaut maadaama  mararka qaar xitaa lacagahan aan lagu aaminin aktaro caan ah