Ayushman Khurana, Tabu Iyo Radhika Apte Oo Si Weyn Dabaal-dagayaan Maadaama Filimkooda Andhadhun Uu Gaaray 100 Maalmood Inuu Tiyaatarada Saarnaado

ayushman maahan aktar la buun-buuniyo laakiin waa aktar awood u leh inuu filim gado waxaana midaas hadda  hawada sii galisay ka dib guusha ay gaareyn labadiisa filim ee kala ah andhadhun iyo badhaai ho oo labadooda hit dhamaystiran ka noqdayn boxx office ka

ayushman sanadkii 2018 waxa ay u ahayd sanadkiisa ugu wacnaa mudada uu fanka ku jiray maadaama uu sameeyay wax aysna samayn aktarada isaga fanka kaga soo horeeyeen

 

iyadoo kooxda filimka andhadhun ay maanta si weyn u haystaan baraha bulshada iyagoo u dabaal-dagayaan inuu 100 maalmood andhadhun tiyaatarada saaran yahay waxaana filimkan tiyaatarada loo saaray 5 october sanadkii

filimkan ayaa noqday filimka ugu sheekada wanaagsan sanadkii hore 2018 sidaas darteed waxaa aad kaga helayn daawadayaasha taaso ka dhigtay inuu weli baaqi kusii ahaado tiyaatarada

filimkan andhadhun wuxuu ka hadlaa nin indhool ah oo fanka wax ka yaqaano sidoo kalena aan dhib badneyn balse baxar weyn dhexda ka galaayo marka kiis dil ah isaga loo maleego inuu ka dambeeyay.

Waa filim qayaano oo aan marnaba la sadaalin karin waxa xiga ee dhici karo, muusigiis wacan iyo bandhiga hogaamiyaasha oo heer sare