Bal Daawo Sawirada Ugu Horeeyay Ee Laga Soo Bandhigay Arooska Ranveer Singh Iyo Deepika Padukone

shalay taariikhda marka ay ku beegnayd 14 november waxaa dhacay arooska sida weyn loo sugaayay ee ay ku midoobaayeen labada lamaane ee kala ah ranveer singh iyo deepika padukone

iyadoo labadan lamaane ay Horey u shaaciyeen in arooskoda u dhici doono 14 bishaan Novemeber ama 15-ka ugu dambeyn maanta ayuu dhacay waxyaabihii caadada iyo dhaqanka hinduuga ayeena isku nikaaxsadeen.

Qaar kamid ah xidigaha Bollywoodka ayaa arooskan lagu casuumay sida Shah Rukh Khan iyo Sanjay Leela Bhasanli iyo waliba kuwa kale oo badan laakiin shalay ilaa iyo maanta wax sawir ah  lagama soo daabicin wali.

balse hadeertaan waxaa deepika padukone ay  baraha bulshada ay soo dhigtay sawirka ugu horeeeyay ee arooskooda iyada iyo ranveer waxaana sawirka

waxaana sawirkan hadda uu gil-gilaya baraha bulshada madaama labadanay yihiin kuwa ka mid ah aktarada ugu caansan xiligan shirkadda bollywoodka weli waxaa dhiman sawirada guud ee arooska iyo martida kasoo qayb-gashay iyadoo mar dhow laga soo bandhigi doono sawirada dhamaantood