Barnaamijka Ma Ogtahay Oo Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Filimka Fiza

Filimka Fiza waxaa tiyaatarada si rasmi ah loo saaray 8 Sept sanadkii 2000 waana filim la daawaday maanta ookale oo ay taariikhda ku beegneed 8 September.

Hogaamiyaasha filimkaan guusha gaaray Noqdayna Semi Hit: Jaya Bachchan, Karisma Kapoor iyo Hritik Roshan, halka uu Director ka yahay Khalid Mohammed.

ma ogtahay in xidigaha Waaweyn ee Amitabh Bachchan iyo Shah Rukh Khan ayaa muuqaalo marti ah kula haayeen filimkaan balse markii dambe waalaga jaray muuqaladooda maadama filimka aad udheeraaday.

ma ogtahay in Duubista heeska Aaj Mahiya waliba qeybta lagu duubayo wadada dhexdeeda ee uu Hritik wadada dhex taagayan yahay muuqaalkaas si dhib badan ayaa lagu duubay maadama dadkii meeshaas soo buux dhaafiyen xiligaas na wuxuu ahaa markuu Filimka Kaho Naa Pyar Hai…. la daawaday bilooyin kadib Hritik na caan noqday dadkii oodhan ayaa jeclaaday xidigaan aadna waalo xiisenaayen waana mida kaliftay in Traffic kada xataa xalin weyday dadka meesha soo buuxdhaafiyay si ay u daawadaan HR.

ma ogtahay Karisma Filimkaan kujileyso Hritik walashiis ka weyn balse waxaa xaqiiq ah in nolosha dhabta ah Hritik uu ka weyn yahay 5 bilood.

ma ogtahay in atariishada Urmila ay markii hore saxiixatay doorka Karisma filimkaan kujishay balse wey isaga baxday mashruucan marki dambe gabi ahaanba.

ma Ogtahay in markii Hore Hritik filimkaan laga siiyay door aad uyar balse markii dambe oo la daawaday filimkiisa Kaho Naa Pyar Hai kaaso si dhaqsi ah ku noqday Blockbuster weyn kadib filimsameye Khalid wuxuu goaan ku gaaray Hritik doorkiisa inuu weyneeyo maadama madaxiisa ku gadmi doono filimkaan