Barnaamijka Ma Ogtahay Oo Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Filimka Jaani Dushman

Jaani Dushman: Ek Anokhi Kahan waa mid ka mid ah filimada ugu caansan ee qarnigaan 21-aad Bollywood-ka sameeyeen madaama la isugu keenay 16-sano ka hor atoorayaashii xiligaas Bollywood-ka ugu awooda badna.

Hadana Jaani Dushman: Ek Anokhi Kahan waa mid ka mid ah filimada ugu sheekada liito dhaliil xoogana la kulmay sidoo kalena ganacsi ahaan bur buray laguna dhaliilay in Action-madiisa iyo isku xirkiisa filimada Hollywood-ka ah laga soo qaatay.

Jilaayaasha filimka Jaani Dushman: Ek Anokhi Kahan: Sunny Deol, Armaan Kohli Aditya Pancholi, Akshay Kumar, Sunil Shetty, Aftab Shivdasani, Sharad Kapoor, Sonu Nigam (filimkiisii ugu horeeyay ayuu ahaa) iyo Arshad Warsi.

ma ogtahay aktarada Sunny Deol iyo Akshay Kumar inay tahay markii ugu horeesay oo ay hal filim wada sameeyaan hadana filimkaan marnaba halmar shaashada kama soo wada muuqanayaan.

ma Ogtahay in aktarada Sunny Deol, Sunil Shetty iyo Arman Kohli ay  horey u wada jileen filimkii Qahar (1997) wuxuuna ahaa Jaani Dushman midkii labaad oo ay wada sameeyaan inkastoo filimkan aysan hal mar muuqaal ahaan shaashada kasoo wada muuqanin.

ma Ogtahay in Director Raj Kumar Kohli uu filimkan sheekadiisa kasoo amaah saday labadiisii filim Nagin (1976) iyo Jaani Dushman (1979) labadaas filim sheekooyinkooda oo la isku geeyay ayuu Jaani Dushman (2002) ka sameeyay waana dhaliisha xoogan ee uu la kulmay sidoo kalena sababtay inuu filimkiisa guul dareesto

ma Ogtahay in Akshay Kumar doorkiisa filimkaan inta badan waxaa laga soo min guuriyay doorkii ruug cadaa Kabir Bedi ku lahaa filimkii Nagin (1976).

ma Ogtahay in Director Raj Kumar Kohli wixii ka dambeeyay Jaani Dushman wax filim ah ma uusan sameynin taasi oo ka dhigan in 15-sano ruug cadaagaan shaashada soo hor istaagin.