Barnaamijka Ma Ogtahay Oo Xiiso Badan Oo Ku Saabsan Filimka Pyaar To Hona Hi Tha


Pyaar To Hona Hi Tha waa filim jaceyl Classic ah oo ay wada jileen Ajay Devgn iyo Kajol lamaanaha dhabta ah wuxuuna soo baxay sanadii 1998.

Filimka Pyaar To Hona Hi Tha waa Super Hit sidoo kalena awooda fanka Hindiya ku leeyihiin Ajay iyo Kajol sare u qaaday inkastoo 19-sano ka hor la daawaday hadana waa filim weli saameyntiisa taagan tahay jaceylka ay u qabaan dadka filimada Hindiga ah xiiseeyaan.

Jilaayaaasha filimkaan: Ajay Devgn iyo Kajol

Director: Anees Bazmee

ma ogtahay in filimka Pyaar To Hona Hi Tha uu yahay filim Copy ah waxaana sheeko ahaan laga soo min guuriyay filimka Hollywood-ka ah French Kiss (1995).

ma ogtahay in Govinda isla xiligaas uu bilaabay sameynta filimka Dil Deewana Maane Na oo uu soo saare ka ahaa sheeko ahaan laga soo min guuriyay filimka Hollywood-ka ah French Kiss (1995).

Laakiin markii uu ogaaday in Ajay Devgn duubis ku wado filimka Pyaar To Hona Hi Tha oo isagana laga Copy gareeya French Kiss (1995) wuxuu go’aan ku gaaray Govinda inuu filimkiisa meel iska dhigo gabi ahaanba shaqadiisa joojiyo madaama isku sheeko noqdeen filimka Pyaar To Hona Hi Tha.

ma ogtahay in Pyaar To Hona Hi Tha inuu yahay filimkii ugu dambeeyay ee Ajay Devgn iyo Kajol wada jileen ka hor inta aysan is guursanin, markii ay filimkaan sameeyeen kadib filimadii ay la imaadeen waxaa la daawaday ayagoo qoys ah

ma ogtahay Pyaar To Hona Hi Tha inuu noqday filimka labaad ee lacagaha ugu badan Boxoffice-ka kasoo xareeyay sanadii 1998 wuxuuna keenay xiligaas 21.50 Crore oo maanta u dhiganto 160.39 Crore, waxaana ka lacag badnaa kaliya Kuch Kuch Hota Hai oo kaliya.

 

ma ogtahay in xilliga Kajol ay kasoo daganeysaa tareenka filimkaan lagu duubayo ayadoo adeegsanayo musulaha dadka loogu tala galay ee goobaha dadka isugu imaadaan ku yaalin sida boosteejada oo kale, balse xaqiiqada waxay tahay in tareen kasto ugu yaraan 4-musqul ama suuli leeyahay (kkk kkk kkk), marka Kajol mey ka wareertay mise kooxda filimka ayaa hilmaameen in tareenka suuli ku taalo…….