Barnaamijka Raad Raac: Maanta Bollywood-ka aqbaaraadkooda maxaa ugu hadal heyn badan (+Sawiro)

Maalin wanaagsan aqristayaasha qiimaha badan ee Filimside ku xiran kusoo dhawaada maqaal qoraaladiisa kooban yihiin oo aan idin kugu soo koobeyno qodobada arimaha Bollywood-ka maanta ilaa fiidkan ugu hadal heynta badnayeen:

Filimka weyn Kalank oo Arbacadan (17 April) tiyaatarada la saarayo ayaa la xaqiijiyay inuu waqti ahaan soconaayo 2-saac iyo 48-daqiiqo waxaana hogaamiyaal ka ah Sanjay Dutt, Madhuri Dixit, Varun Dhawan, Alia Bhatt, Sonakshi Sinha iyo Aditya Roy Kapur.

Farah Khan filimkeeda xiga oo ay Director ka yahay waxaa maal galinaayo Rohit Shetty waxaana la sheegay in mashruucan sheeko ahaan ku saleesan yahay filimkii caanka ahaa Satte Pe Satta (1982) oo sheekadiisa dib loo sameenayo dhawaana waxaa lagu dhawaaqi doonaa jilaayaasha sameenayaan.

Randeep Hoda ayaa macalinka jaceylka u noqonaayo Kartik Aaryan filimka Aaj Kal oo ay Sara Ali Khan atirisho kowaad ka tahay lana daawan doono 14 Feb 2020.

Heeska Vaddi Sharaban ee filimka De De Pyaar De ayaa siweyn u gadmeyso waxaana muuqaal laga duubay Ajay Devgn iyo Rakul Preet Singh waxaana ku luqeenayaan Sunidhi Chauhan and Navraj fadlan hoos ka daawo:

Taapsee Pannu ayaa dib ula midoobeyso filim sameeye Anubav Sinha oo sanadkii hore u sameeyay filimkii sheeko ahaan siweyn loola dhacay Mulki waxayna haatan ka wada shaqeenayaan mashruuc cusub oo arimaha bulshada ka hadlaayo laguna magacaabo Thappad.

Vivek Oberio ayaa sheegay in filimka Munna Bhai isaga loogu tala galay inuu sameeyo balse uu aflaan kale ku mashquulay kadibna Sanjay Dutt calfaday filimkan ganacsi ahaan iyo sheeko ahaan mid Classic ah noqday.

Kangana Ranaut ayaa soo idleesay jadwalka ugu muhiimsan filimkeeda Panga ee Delhi ka socday lana daawan doono 25 Jan 2020 sidoo kalena ay iyada hogaamiye kowaad ka tahay kuna saabsan sheeko ahaan cayaarta kabadhi.

Shahid Kapoor iyo Kiara Advani ayaa si rasmi ah usoo idleeyeen duubista filimkooda Kabir Singh oo la daawan doono 21 June 2019.

Daawashada filimka Kalank oo kaabiga nagu soo heyso lana daawan doono Arbacan waxaa laga soo bandhigay hees cusub oo lagu magacaabo Aira Gaira waxayna heeskan u gaar tahay Kriti Sanon oo filimkan halkaan hees ku leh waxaana ku wehliyaan muuqaal ahaan Varun Dhawan iyo Aditya Roy Kapur.

Kareena Kapoor Khan ayaa ku biireyso Digital World oo aan ula jeedno sameyna aflaanta sida Online-ka Internet-ka looga daawado ee xalqo xalqo u sameesay waxayna sameeneysaa shirkada Dharma Productions filimkeeda kowaad oo ay Online ahaan u sameyso waxayna Bebo ku jleysaa doorkeedii caanka ahaa Poo ee filimka Kabhi Khushi Kabhi Ghum ku matashay haatan asigoo musal sal ah.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*