Barnaamijka Raad Raac: Maanta Bollywood-ka aqbaaraadkooda maxaa ugu hadal heyn badan (+Sawiro)

Fiid wanaagsan aqristayaasha qiimaha badan ee Filimside ku xiran kusoo dhawaada maqaal qoraaladiisa kooban yihiin oo aan idin kugu soo koobeyno qodobada arimaha Bollywood-ka maanta ugu hadal heynta badnaa:

Soo Saare Atul Agnihotri iyo Director Rajkumar Hirani Oo Kulmeen: Salman Khan seedigiis Atul Agnihotri iyo Director Rajkumar Hirani ayaa waxaana durba la bilaabay in maanta la dhaho filim sameeye Hirani mashruuciisa xiga Atul maal galin doono sidoo kalena Salman hogaamiye ka noqon doono balse sheekadan waxaa biyo qaboow ku shubay Atul oo sheegay in kaliya Hirani safar diyaarad ku kulmeen xili ay Delhi u socdeen.

Anil Kapoor Oo La Murugeesan Geerida Ku Timid Soo Saare Mushir Alam: Filim soo saaraha caanka ah sidoo kalena ruug cadaaga ah Mushir Alam ayaa geeriyooday kaasi oo 80-maadkii iyo 70-maadkii aflaanta maal galin jiray waxaana geeridiisa si gaar ah ula murugeesan Anil Kapoor oo uu filimo badan u maal galiyay.

Sonu Nigam Oo Isbitaal Kasoo Baxay: Heesaaga caanka ah ayaa maal mahan ku jiray isbitaal ku yaalo magaalada Kathamndu ee dalka Nepal asigoo xanuunsanaa haatan wuu kasoo baxay wuxuuna di ugu soo laabtay Mumbai.

Ranbir Iyo Ranveer Oo Hal Xayeysiin Wada Sameenayaan: Labada xidig ee saaxada Bollywood-ka xiligaan heestaan Ranbir Kapoor iyo Ranveer Singh ayaa wada aqbaleen inay hal xayeysiin wada sameeyaan haddaba waxaa laga doodayaa labadan xidig midkee lacag badnaan doono halka xayeysiin wada sameenayaan.

Ajay Devgn iyo Qoyskiisa Oo Baraha Bulshada Qabsadeen: Devgn, xaaskiisa Kajol iyo labadooda caruur Nysa iyo Yog ayaa baraha bulshada heestaan kadib markii sawir hadal heyn xoogan abuuray Ajay soo dhigay.

Lara Datta iyo Seygeeda Oo Sanad Guurada Arooskooda U Dabaal Dageen: Atirishada Bollywood-ka ka tirsan Lara Datta iyo seygeeda Mahesh Bhupathi ayaa sanad guuradooda 8-aad arooskooda kasoo wareegatay u dabaal dageen.

Shahid Kapoor Oo Filim Soo Saare Noqonaayo: Shahid ayaa markii ugu horeesay filim maal galin doono wuxuuna go’aan saday inuu soo saare ka noqdo filimka uu isaga hogaamiyaha ka noqonaayo  ee nolosha feeryahan Dingko Singh looga hadlaayo.

Katrina Oo Sawir Laga Helay Xili Filimka Bharat Duubeyso: Atirishada caanka ah Katrina Kaif sawir aysan ugu tala galin ayaa laga helay waana muuqaalka hees ay filimka Bharat ku duubeyso sidoo kalena ay isla jilayaan Salman Khan lana daawan doono Eid 2019.

F-G: Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Click kusii hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Xitaa haddii qoraalka uusan ku xiiso galineyn fadlan xayeysiinta Click noogu sii midaas ayaa muhiim noo ah anagana abaal ayaan kaaga heynaa.

Warbixin walbo xayeysiin ayay wadaata nagu caawi xayeysiimaha kala duwan inaad halmar Click ku siisid

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.