Barnaamijka Raad Raac: Maanta Bollywood-ka aqbaaraadkooda maxaa ugu hadal heyn badan (+Sawiro)

Subax wanaagsan aqristayaasha qiimaha badan ee Filimside ku xiran kusoo dhawaada maqaal qoraaladiisa kooban yihiin oo aan idin kugu soo koobeyno qodobada arimaha Bollywood-ka subaxan ugu hadal heynta badan:

Ranbir Kapoor: Mudane Amitabh waa sida qof qoyskeyga ka mid ah oo kale marwalbo wuu isoo dhaweystaa waxay ii tahay sharaf weyn la shaqeyntiisa wax badana waan ka faa’iidaay waana hubaal filimkeena Brahmastra inaad ka heli doontaan.

Filimka Pal Pal Dil Ke Paas duubistiisa si rasmi ah ayaa loo soo idleeyay sida Sunny Deol shaaca ka qaaday waxaana filimkan lagu soo caan bixinaa Karan Deol ayadoo la daawan doono 19 July 2019.

Superstar Ajay Devgn filimkiisa De De Payaar De waxaa si rasmi ah shaaca looga qaaday in goos gooskiisa lasoo bandhigaayo 2 April 2019 maalinta Devgn u dabaal dagayo sanad guuradiisa 50-aad waxaana filimkan jaceylka iyo shactirada isku jiro reer magaalka loogu tala galay la daawan doonaa 17 May 2019 ayadoo ay Tabu iyo Rakul Preet Singh wax ka jilayaan.

Varun Dhawan: Kalank waa filimka iigu weyn ee aan sameeyo waxaana ku kalsoonahay in 17 April ganacsi weyn sameyn doono sidoo kalena sheekadiisa aad looga wada heli doono.

Sara Ali Khan iyo Kartik Aaryan filimkooda cusub ee jaceylka ah sidoo kalena Randeep Hooda door muhiim ah ku leeyahay waxaa shaaca laga qaaday in la daawan doono 14 Feb 2020 waxaana Director ka ah Imtiaz Ali.

Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Ku Dhufo hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Mega Star Salman Khan ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday in filimkiisa weyn Inshallah la daawan doono Eid 2020 waxaana la jileyso Alia Bhatt halka Sanjay Leela Bhansali Director ka yahay.

Deepika Padukone iyo Vikrant Massey ayaa si rasmi ah u bilaabeen isku diyaarinta shaqada filimkooda Chhapaak waxayna duubistiisa bilaaban doontaa 25-ka bishan Maarso waana filim Deepika ku mataleyso nolosha gabbar aashito wajiga looga shubay oo geeri ka bad baaday.

Parineeti Chopra ayaa jeclaan laheyd in Aarav Kumar uu mustaqbalka sameeyo filim looga hadlaayo nolosha aabihiis Akshay Kumar.

Waxaa si rasmi ah loo bilaabay diyaarinta iyo duubista muusiga iyo heesaha filimka Sadak 2 oo ay wada jilayaan Sanjay Dutt, Pooja Bhatt, Alia Bhatt iyo Aditya Roy Kapur.

Kooxda filimka Raazi oo ah Vicky Kaushal, Alia Bhatt iyo Director Meghna Gulzar ayaa ku midoobeen xafladii Zee Cine Awards sidoo kalena jeclaan lahaayeen inay Raazi 2 mustaqbalka dhow sameeyaan.

Salman Khan ayaa Katrina Kaif siiyay gaari nooca raaxada ah Range Rover Vogue oo aad qaali u ah arinkana baraha bulshada lagu hadal haayo. Waxaana la sheegay in gaarigan 3 Crore ($437k).

Filimka The Tashkent Files oo ay jilayaan ruug cadaayaasha Mithun Chakraborty, Naseeruddin Shah, Shweta Basu Prasad, Pankaj Tripathi, Vinay Pathak, Mandira Bedi, Pallavi Joshi, Ankur Rathee and Prakash Belawadi ayaa shaaca laga qaaday in la daawan doono 12 April 2019 waxaana Director ka ah Vivek Ranjan Agnihotri.

Ayushman Khuranna filimkiisa Andhadhun ayaa si rasmi ah loo sheegay in gudaha China laga daawan doono 3 April 2019 waxaana loo bixiyay magaca Piano Player oo gudaha China looga daawanayo sidoo kalena 5000 oo tiyaatar ayaa la saraayaa.

Filimka Setters oo ay wada jilayaan Aftab Shivdasani, Shreyas Talpade, Sonnalli Seygall, Ishita Dutta, Pavan Malhotra, Vijay Raaz, Jameel Khan iyo Manu Rishi ayaa daawashadiisa dib loo dhigay waxaana tiyaatarada la saari doonaa 3 May 2019. Waxaana Director ka ah Ashwini Chaudhary halka Vikash Mani iyo Narendra Hirawat ay maal galiyeen.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.