Barnaamijka Raad Raac: Maanta Bollywood-ka aqbaaraadkooda maxaa ugu hadal heyn badan (+Sawiro)

Duhur wanaagsan aqristayaasha qiimaha badan ee Filimside ku xiran kusoo dhawaada maqaal qoraaladiisa kooban yihiin oo aan idin kugu soo koobeyno qodobada arimaha Bollywood-ka subaxan ugu hadal heynta badan:

Varun Dhawan oo la kaftamay Ranbir iyo Ranveer wuxuuna yiri: Madaama Alia Bhatt haatan filimka Insha Allah saxiixatay waxay ka dhigan tahay in atoorayaal naga weyn iyo filim sameeyaal waa weyn la hawl galeyso marka labada sano ee soo socoto saaxiibayaal Alia shaashada manala wadaageyso wey naga weynaatay (kkk kkk).

Aamir Khan ayaa la saxiixday heshiis xayeysiin gudiga qaban qaabinayaan tartanka horyaalka Cricket-ka Hindiya (IPL) waxaana la sheegay in 40-maalmood olo olo xayeysiin horyaalkan Aamir ka qayb qaadanayo waxaana ku baxeyso miisaaniyad 250 Crore ($52m) ah!

Ranveer Singh ayaa ka dhawaajiyay inuu caawo wacdaro aan horey loo arag ka dhigi doono xaflada Filmfare Awards 2019.

Filimka Notebook ee Salman Khan kusoo caan bixinaayo Pranutan Bahl iyo Zaheer Iqbal lana daawanayo Jimcadan (29 Mar 2019) waxaa la ogaaday waqti ahaan inuu soconaayo 1-saac iyo 52-daqiiqo waana filim jaceyl ah.

SRK iyo Vicky Kaushal oo isku diyaarinayaan xaflada caawo Filmfare Awards 2019 ayagoo masraxa wacdara ka dhigi doonaan heeso caan ahna qaadi doonaan.

Sara Ali Khan ayaa ku faraxsan inay filimka caanka ah Coolie No.1 dib u sameyntiisa la hogaamiso Varun Dhawan waxayna jili doontaa booskii Karisma Kapoor halka Varun doorkii Govinda matali doono.

Aamir Khan ayaa si rasmi ah u aqbalay inuu muuqaal marti ah ku yeesho filimka Chhichhore ee Shraddha Kapoor iyo Sushant Singh Rajput wada jilayaan waxaana Director ka ah Nitesh Tiwari oo Aamir horey ugu sameeyay filimka Dangal.

Sajid Nadiadwala filim soo saaraha caanka ah ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay inuu haatan qoraal ku wado sheekada filimka hirgalay Kick 2 asigoo qaybtiisii kowaad Director ka ahaa sidoo kalena wuxuu xaqiijiyay in Salman Khan iyo Jacqueline Fernandez filimkan hogaamin doonaan.

Janhvi Kapoor ayaa isku diyaarineyso inay caawo wacdaro ka dhigto xaflada Filmfare Awrads 2019 waxayna u badan tahay qaar ka mid ah heesaha hooyadeed geeriyootay Sridevi lagu yaqiinay inay masraxa ka qaado.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.