Barnaamijka Raad Raac: Subaxan Bollywood-ka aqbaaraadkooda maxaa ugu hadal heyn badan (+Sawiro)

Subax wanaagsan aqristayaasha qiimaha badan ee Filimside ku xiran kusoo dhawaada maqaal qoraaladiisa kooban yihiin oo aan idin kugu soo koobeyno qodobada arimaha Bollywood-ka xalay ilaa subaxan ugu hadal heynta badnayeen:

Inaba caadi ma ahan aragtiyada kowaad laga soo bandhigay Taapsee Pannu iyo Bhumi Pednekar filimkooda Saand Ki Aankh waxaa Director ka ah Tushar Hiranandani halka Reliance Entertainment, Anurag Kashyap and Nidhi Parmar ay maal galinayaan waxaana la daawan doonaa Diwali 2019.

Waxaa maanta siweyn loo wada sugaa goos gooska kooban (Teaser) ee laga soo bandhigaayo filimka Indias Most Wanted ee hogaamiye ka yahay Arjun Kapoor lana daawan doono 24 May 2019 waxaana Director ka ah Rajkumar Gupta.

 

Vidyut Jammwal ayaa saxiixday sameynta filimka Khuda Hafiz waa filim Action iyo qayaano isku jirto ah waxaana Director ka ah Faruk Kabir halka Kumar Mangat Pathak and Abhishek Pathak ay isla maal galiyeen waxaana lagu duubi doonaa Morocco iyo Kerala shaqadiisa rasmiga ahna waxay bilaaban doontaa June 2019.

Hees dareen qiiro badan, Action iyo karti badan ka muuqato ayaa laga soo bandhigay filimka Blank oo ay hogaamiyaal ka yihiin Sunny Deol iyo Karan Kapadia waxaana heeskan la dhahaa Warning Nahi Dunga sidoo kalena filimkan waxaa la daawan doonaa 3 May 2019:

Vivek Oberoi ayaa sheegay in filimka Vicky Donor (2012) isaga marka kowaad John Abraham u bandhigay madaama John mashruucan soo saare ka ahaa balse Vivek wuxuu sheegay fariinta filimkan inuu ka yara cabsaday waxaana ka faa’iideestay Ayushman Khurrana oo aqoonsi deg deg ah mashruucan Hit-ka noqday ku helay.

Atirishada Daisy Edgar ayaa filimka weyn RRR isaga baxday haatana waxaa la sheegay in Director SS Rajamouli uu la xariiray Shraddha Kapoor si uu filimkan door muhiim ah kaga siiyo waxaana hogaamiyaal ka ah Ram Charan iyo Jr. NTR halka Ajay Devgn iyo Alia Bhatt doorar muhiim ah ku leeyihiin.

Filimka weyn Kalank labo caqabad ayuu berito la kulmi karaa marka tiyaatarada la saaro qiimaha Tikit kiisa oo weli aad u sareeyo iyo waqti ahaan filimkan oo sedex saac ku dhaw daawashadiisa sidaa darteed xiligaan daawadayaasha filim qaali ah iyo mid waqtigiisa labo saac iyo bar ka badan yahay inay daawadaan ma xiiseeyaan.

Vicky Kaushal ayaa dib ula shaqeenayo Director Aditya Shar oo u sameeyay filimka hirgalay Uri markaana waxay ku midoobayaan mashruuc looga hadlaayo nolosha Ashwatthama wuxuu ahaa dagaal yahay reer Marathi ah oo taariikh dheer Hindiya ku leh.

SRK shirkadiisa Red Chillies ayaa maal galineyso filim taxane ah oo looga hadlaayo kooxdii Hindiya 1983 u qaaday koobkii aduunka Cricket-ka waxaana mashruucan Director looga dhigay Atul Sabharwal dhawaana kooxda jileyso ayaa lagu dhawaaqi doonaa waxaana si toos ah looga daawan doonaa si Online ah shirkada Netflix barta ay Internet-ka ku leedahay.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*