Baro Aktarada Bollywoodka Ee Loogu Hanjabay In La Dili Doono

waa dhacdo mar walba dhacda waxaana tuugada iyo burcadka ay xariir la leeyihiin shirkadda bollywoodka madaama mar walba aktarada bollywoodkaay usoo diraan fariimo hanjabaadyo dil ah iyagoo burcadaas beegsanaya shaqsiyaadka caanka ah

waxaana laga yaaba inay ka doonayaan lacago ama in iyaga lacag lagu siiyay inay cabsi-geliyaan aktarkaas maanta waxaan ku hayaa aktaro bollywoodka ka tirsan kuwaaso loo soo diray fariimo hanjabaadyo dil ah

fadlan hoos ka daawo liiska aktaradaas

1. deepika padukone

deepika ayaa la kulantay hanjabaadyo iyo aflagaado iyadoo ahayd markii tiyaatarada loo saari lahaa filimkeeda padmavaat

2. urvashi rautela

atariishadan ayaa muran dhexda ka gashay ka dib marka ay adeegsatay ereyo ay leeyihiin dadka daga mahabharata inta ay soo ku guda jirtay duubista filimka hate story 4 Iyadoo loosoo diray fariimo hanjanaadyo dil ah

3. shah Rukh Khan

srk waxa uu ka mid noqday aktarada loosoo diray fariimo hanjabaadyo waxa uu ahaa xili tiyaatarada loo saari lahaa filimka happy New year waxaana hanjabaad usoo diray mid ka mid ah tuugada ugu weyn caalamka ninka lagu magacaabo ravi pujari

4. sonu nigam

sonu ayaa waxa uu heshiis la galay shirakad suu heeso ugu qaado laakiin heshiiskaas muusan noqon mid waara ama dhaca maadaama sonu nigam uu hanjabaad kala kulmay burcada waa weyn ee lagu kala magacaabo chota shakeel iyo dawood ibrahim

5. salman khan

salman ayaa dhaw jeer la kulmay hanjabaadyo dil ah waxaana ka mid ah mid uu usoo diray burcadka weyn ee ravi pujari sanadkii 2013 iyo midii u sabab ahayd dil uu u geystay ugaar waxaana hanjabaad dil ah usoo diray gangasterka lagu magacaabo lawrence bishnoi

6. akshay kumar

akshay kumar ayaa waxaa dil ugu hanjabay ninka aktarada dhibay ee ravi pujari sanadkii 2013