Nolosha Jilayaasha WARARKA MAANTA

Been Abuurka Iyo Xanta Soomaalida Ka Sameeysatay Jilayaasha Bollywoodka Iyo Aflaamtooda!!

 

Waxaa jiraan arimo badan oo dadka Soomaalida dhacdo ahaan u aaminsan yihiin inee udhaceen kuna saabsan jilayaasha Bollywoodka iyo Filmadooda balse xaqiiq ahaan wararkaas waxba aan ka jirin.

Xitaa wararka qaar ee Soomaalida aaminsan yihiin saxaafada caalamka waligood xan ahaan xitaa uma qorin sababtana waa in Soomaalida sheeko ahaan iyaga is tuseen qodobadan kaa yaabin doonan in badan kuwa qaarna waa xan laga so xigtay saxaafada caalamka.

Fadlan halkaan hoose kaga bogo waxyaaba xaqiiq aan ahen ee soomaalida inee xaqiiq ahaan u jiraan u rumeysan yihiin kuna saabsan jilayaasha Bollywoodka iyo filmadooda..

1-Govinda waa wecel waxaana dhalay Dharmendra si guur xalaal aheen hadana wuu inkiray sidas ayuu wecel ku noqday balse xaqiiq ma ahan sheekadan waana maqli jirnay..

2-Akshay Kumar dhabarka ayuu ka jabay markii la duubaayey filmka Mohra qaasatan dagaalka isaga iyo Suniel Shetty dhexmaray xili Akki lugta sarre u tuuray Suniel-na hoos ka jalaafeyay sidaasna Akki dhulka ugu dhacay dhabarkana ka jabay (xaqiiq ma ahan).

3-Soomaalida waxay dhaheen sababta Akshay Kumar uu ku furay Raveena Tandon waxau ahed in Sunny Deol ay sujuuday intii la duubaayey filmka  Ziddi taaso kaliftay in Akki ka xanaaqay kuna furay Raveena (Xaqiq ma ahan).

4- Chandrachur Singh (Indha buur-buur ama indho bulac oo ah atoorihii filmka Dhaag) waxaa dhalay Shatrughan Sinha (Canjeex) mana ahan sheeko xaqiiq ah balse Soomaalida ayaa u maleysay.

5-Armaan Kohli waa curadka Shatrughan Sinha (Canjeex) waxuuna ka weyn yahay Sonakshi Sinha (xaqiiq m ahan).

6-Amrish Puri (Saalimsay ama Indho Caag) intii la duubayey filmka Ghayal ee Sunny Deol atooraha ka yahay waxuu sameeyay isago biskoolad ama bistoolo sito ayuu ka orday kana cararay Sunny Deol oo mindi ama toorey sito sababtan waxuu ku sheegay in Bistoolada dheemis ama False ahed halka mindida run ahed xanaaqii Sunny Deol-na u maleeyay inee dhab ka tahay (Xaqiiq ma ahan sheekadan).

7-Amitabh Bachchan ayaa dalka Soomaaliya imaaday xiligii dowlada Siyaad Barre xukunkeeda jiray waxuuna damcay in Soomaliya uu film ku duubo balse madaxweynaha ayaa ka diiday (Xaqiiq ma ahan sheekadan).

Lasoco waxyaabaha Soomaalida sheeko ahaan iskula dhexmareen kuna saabsan Jilayaasha Bollywoodka iyo filmadooda balse asal ahaan xaqiiq aheen..

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin ku dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah ku dhufo Mahadsanid…

Related posts

Shabakada BOI oo cadeesay Ranveer Singh inuu noqday Atooraha suuqyada caalamka Bollywood-ka ugu awooda badan!

Zakarie

Rasmi: Nani filimkiisa Jersey oo tiyaatarada ka dagay kani waa HIT dhameestiran

Zakarie

Dhageyso barnaamijka LIVE NOW (01 June 2019) Warar Sport Update ah kaga bogo

Zakarie

Marka ay dhacday in Anil Kapoor sare u qaaday Manisha balse culeeskeeda awgeed uu dhulka ku dhacay!

Ali Aadan

Bobby Doel Oo Shaaca Ka Qaaday Sida Ajay Devgan Uu Qiyaani Jiray Aabihiisa Xilligii College-Ka

Jabriil Abdikadir

Kiiskii Dacwada Ee U Dhaxeesay Nana Patekar iyo Tanushra Dutta Oo Gabi Ahaanba Lasoo Xiray Markii Cadayn Lagu Waayay Nana Patekar

Jabriil Abdikadir