BOX OFFICE WARARKA MAANTA

Bharat oo kaalinta 3-aad ka galay filimada 2019 lacagaha ugu badan soo xareeyeen Isniintooda kowaad

 

Filimka weyn Bharat ayaa Isniintiisa kowaad keenay 9 Crore (Trade Figure) wuxuuna noqday filimka sedexaad ee sanadkan 2019 lacagaha ugu badan soo xareeyo Isniintiisa kowaad waxaana ka lacag badan Uri – The Surgical Strike iyo Total Dhamaal. Balse Bharat waxay ugu soo aaday Isniintiisa kowaad maalinta lixaad uu tiyaatararada saran yahay halka labada ka lacag badan Isniintooda kowaad ugu soo aaday maalinta afaraad tiyaatarada saarnaayeen.

Bharat waxaa u fiicnaan laheyd in 10 Crore uusan ka hoos marin Isniintiisa kowaad haddana sidaas oo ay tahay wuxuu la mid noqday filimada Kesari iyo Gully Boy hoos u dhaca ay sameeyeen Isniintooda kowaad.

Uri – The Surgical Strike iyo Total Dhamaal  waa labada filim ee sanadkan 10 Crore ka talaabeen Isniintooda kowaad taasi oo muujineyso inay labada filim ee sanadkan sida weyn daawadayaasha kaga heleen inay tiyaatarka si joogto ah kaga daawadaan.

Uri – The Surgical Strike isaga qaanad kale ayuu ku jiraa ama heer kale ayuuba taagan yahay waayo Isniintiisa kowaad ayuu 25% sare u kac sameeyay halka filimada marka ay Isniintooda kowaad 50% hoos u dhac sameeyaan lagu tilmaamo aflaan daawadayaasha ka heleen oo ganacsigooda is celiyeen!

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka filim ee sanadkan 2019 Isniintooda kowaad lacagaha ugu badan soo xareeyeen iyo filim walbo hoos u dhaca ama sare u kaca uu sameeyay Isniintiisa kowaad boqoleey ahaan:

1. Uri: The Surgical Strike – 10.55 Crore (+24.26%)

 

 

2. Total Dhamaal – 10.04 Crore (-36.89%)

 

 

3. Bharat – 9 Crore (-57.65%)

 

 

4. Gully Boy – 8.41 Crore (-56.33%)

 

 

5. Kesari – 7.94 Crore (-61.46%)

 

 

6. Luka Chuppi – 7.75 Crore (Fasax) (-0%)

 

 

7. De De Pyaar De – 5.73 Crore (-30%)

 

 

8. Student Of The Year 2 – 5.31 Crore (-52.81%)

 

 

9. Manikarnika: The Queen Of Jhansi – 4.42 Crore (-42.30%)

 

 

10. Badla – 3.84 Crore (-23.05%)

Related posts

Gauri Khan Oo Casho Ku Casuumtay Arjun Kapoor , Malika Arora, Karishma Kapoor Iyo Qaar Ka Mid Ah Asxaabteeda

Jabriil Abdikadir

Big B Wadnaha, Priyanka Indhaha, Salman Sambabka Iyo Xidigaha Bollywoodka Sadaqeesteen Xubnahooda Kadib Dhimashadooda (+Sawiro)

Ali Aadan

Rasmi: Filimka De De Pyaar De maalintiisa labaad ganacsiga uu sameeyay sare u kac adag ayuu la yimid

Zakarie

Atariishada Student Of The Year 2 Tara Sutaria Oo Amaan Kala Dul Dhacday Aktar ay Ku Tilmaamtay kan Ugu Shidan Bollywood-Ka, Waa kuma?

Jabriil Abdikadir

7 Atirisho Oo Bollywoodka Katirsan Kuwaaso Iyagoo Yar Hooyoyin Noqdeen Xitaa 30 Sano Aan Gaarin (+Sawiro)

Ali Aadan

Marka ay dhacday in Anil Kapoor sare u qaaday Manisha balse culeeskeeda awgeed uu dhulka ku dhacay!

Ali Aadan